Warancade Oo Cadeeyey In Hay'addo Shisheeye Ahi Hawlo Dhaqan-Xumo Iyo Basaasnimo Ah Ka Wadaan Somaliland.

Wednesday June 25, 2014 - 03:36:49 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warancade Oo Cadeeyey In Hay'addo Shisheeye Ahi Hawlo Dhaqan-Xumo Iyo Basaasnimo Ah Ka Wadaan Somaliland.

    Wasiirka Arrimaha Guddaha ee maamulka isku magacaabay Somaliland Cali Maxamed Warancadde ayaa shallay mar uu hortegey Golaha Guurtida ee maamulkaas ka dayriyey shabakado isku xidhan oo basaasnimo ah kuwaas dhulka maamulkaasi inta uu ka taliyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuqaalka Hargeysa
Wasiirka Arrimaha Guddaha ee maamulka isku magacaabay Somaliland Cali Maxamed Warancadde ayaa shallay mar uu hortegey Golaha Guurtida ee maamulkaas ka dayriyey shabakado isku xidhan oo basaasnimo ah kuwaas dhulka maamulkaasi inta uu ka taliyo.



Wasiirka Arrimaha Guddaha ee maamulka isku magacaabay Somaliland Cali Maxamed Warancadde ayaa shallay mar uu hortegey Golaha Guurtida ee maamulkaas ka dayriyey shabakado isku xidhan oo basaasnimo ah kuwaas dhulka maamulkaasi inta uu ka taliyo.



Wasiirku wuxuu shalay golahaas ka cadeeyey in hay’addo reer galbeed ah oo ka hawlgala maamulkiisa ay shacabka wadda degen u kala qeybinayaan qabiil-qabiil iyo tuulo-tuulo.



Wasiirka khudbaddiisa uu Golaha Odayaasha u jeediyey wuxuu kaga codsaday inay wax kala qabtaan hay’addo aanu magacyadooda magacaabin balse maalmihii ugu dambeeyey Culimada iyo Waxgaradka Gobolada Waqooyi Galbeed ku nooli ku sheegeen in ay yihiin Hay’adaha UNDP, World Vission iyo kuwo Ururada Bulshadda Rayidka sheegta.


Wuxuu intaas ku daray in Hay’adani basaasinimadooda ku dhex qarinayaan mashaariicda dhulka maamulkaasi uu ka taliyo ka fuliyaan.

Waran-cade oo ka jawaabay Su’aal Xildhibaan Guurtida ka tirsani, ka weydiiyey hay’adaha iyo shaqaalaha shisheeye ee hawlaha basaasnimada iyo dhaqan-xumada ah ka wada dhulka uu ka taliyo maamulkaasi wuxuu yidhi:


"Arrinta hay’adaha ajaanibka ah ee nabadgelyada ka shaqeeya iyo gaalada (ajnabiga) magaalooyinka iyo tuulooyinkeenna dhex wareegaya waa arrin fool-xumo weyn innagu ah oo aan ku habboonayn qarankeenna. Waa niman diiddan inay maamulka u sii maraan dadka shacabka ah iyo dalka aynu xukuno. Waa niman inoo qaybiya qabaa’il oo jecel inay qabiil-qabiil iyo tuulo-tuulo inoola kulmaan, balse aan jeclayn inay qaran ahaan inoola kulmaan,”

 

Warancade ayaa waraaq cabasho ah oo uu maalmihii todobaadkan uu u diray hay’addo aanu magic-dhabin ka codsadday in hay’addan dhaqan-xumada iyo basaasnimada sida wada jirka ah u wadaa joojiyaan. Wuxuu isaga oo cadhaysan hadalkiisa ku ku soo gunaaanaday:

 

"Maalin shannaadii (toddobaadkan) warqad baan u diray aan leeyahay cid kastoo nabadgelyada Somaliland lacag ku soo qaadatay amma cid u soo dirtay waa inay qorshahooda la yimaaddaan Wasaaradda Daakhiliga, cidda aan la imanna dalka way ka baxaysaa. Dalkan kama jiri karaan wasaarado nabadgelyo oo fara badan. Waxa hawlaha ay wadaan ku jira basaasid, kala fogayn. Dhaqankeenna iyo nabadgelyadeenna nin gaal ah oo Yurub ka yimi ayaa waxyeello ku ah, weliba raggaasi waa dhallinyaro ilaa 30 jir da’doodu u badan tahay, waanna qaar tuulooyinkeenna wareegaya oo ajnabi ah.


Abuu Dujaana


Xigasho: Wargayska Jamhuuriya

 


Related Items