Dhageyso: Shirkada Hormud oo Deeq Lacageed Gudoonsiisay 500 Qof oo Naafo ah

Wednesday June 25, 2014 - 03:50:56 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso: Shirkada Hormud oo Deeq Lacageed Gudoonsiisay 500 Qof oo Naafo ah

    Hay'adda Hormuud Foundation ayaa maanta deeq lacageed guddoonsiisay 500 oo qof oo ka mid ah dadka aan lixaadkooda dhameystirneyn oo laga soo kala arruuriyay degmooyinka gobolka Benaadir, iyadoo munaasabad kooban oo dadkaasi deeqda lacagta ah lag

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'adda Hormuud Foundation ayaa maanta deeq lacageed guddoonsiisay 500 oo qof oo ka mid ah dadka aan lixaadkooda dhameystirneyn oo laga soo kala arruuriyay degmooyinka gobolka Benaadir, iyadoo munaasabad kooban oo dadkaasi deeqda lacagta ah lagu guddoonsiinayay lagu qabtay Muqdisho ayaa waxaa ka qey galay Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee Maamulka Gobolka Benaadir Iimaan Nuur Iikar, maamulka Hormuud Foundation, guddoomiyaha Dallada Naafada Soomaaliyeed iyo xubno kale.

Ugu horeyn kaalmada ay Hormuud Foundation ugu talagashay dadka naafada ah ayaa waxaa ka hadlay Guddoomiyaha Hay’addaasi Cabdullaahi Nuur Cismaan oo sheegay in ay tahay mid ay ugu talagaleen in dadka aan lixaadkooda dhameystirneyn ay uga gudbaan bisha barakaysan ee Ramadaan oo fooda nagu soo hayso, ayna jiri doonaan taakuleyn kuwan la mid ah oo ay siinayaan bulshada qeybaheeda kala duwan, isagoo xusay in sanadkii hore ay sidaan oo kale ay kaalmo siiyeen qoysas danyar ah, balse ay sanadkan uga duwantahay tii sanadkii tegay.


Guddoomiyaha Dallada Naafada Soomaaliyeed Cabaas Ismaaciil Caddow oo isna goobta hadal ka jeediyay ayaa sheegay in dadkaan laga soo kala xulay degmooyinka gobolka Benaadir, islamarkaan ay jiraan kuwa kale oo mudnaa in lagu soo darro, isagoo Maamulka Gobolka ka codsaday in la sameeyo diiwaangelin ku aadan naafada ku dhaqan gobolka Benaadir.

Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka banaadir ee dhanka Arrimaha bulshada Iimaan Nuur Iikar ayaa sheegay in kan maamul ahaan ay soo jeedinayaan in bulshada dhexdooda ay isu kaalmeeyaan, waxaana uu intaa ku daray in ay gacan ka geysan doonaan sidii loo diiwaan gelin lahaa naafada ku dhaqan gobolka Benaadir.

Qaar ka mid ah dadkii aan lixaadkooda dhameystirneyn oo meesha hadal ka jeediyay ayaa ka mahad celiyay taakuleynta lacagta ah ee la guddoonsiiyay, waxaana ay dowladda iyo hay’adaha kale ka codsadeen in loo abuuro xirfado shaqo oo ay ku maareeyaan noloshooda.

Hormuud Telecom Foundation oo la aas aasay 25-kii bishii Shanaad ee sanadkii tegay ayaa ah hay’ad u taagan inay kaalmeyso bulsha kuwooda danyarta ah, iyadoo horay shaqooyin ugu abuurtay 20 ka mid ah naafada ku nool gobolka, si ay noloshooda u maareeyaan.

Related Items