Askari Katirsan Dowladda Federaalka Oo Degmada Xamar Jajab Lagu Dilay.

Wednesday June 25, 2014 - 10:14:31 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Askari Katirsan Dowladda Federaalka Oo Degmada Xamar Jajab Lagu Dilay.

    Xoogag hubeysan ayaa xalay fiidkii magaalada Muqdisho ku dilay askari katirsan ciidanka Dowladda Federaalka ee la shaqeeya shisheeyaha Soomaaliya kusoo duulay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogag hubeysan ayaa xalay fiidkii magaalada Muqdisho ku dilay askari katirsan ciidanka Dowladda Federaalka ee la shaqeeya shisheeyaha Soomaaliya kusoo duulay.

Xalay Fiidkii ayay rag hubeysan degmada Xamar Jajab ku dileen askari hubeysan iyagoona ka qaatay qori AK47 ah oo uu watay askariga ladilay.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in falka dilka ah oo ka dhacay wadada Israac uu saameyn ku yeeshay dadka deegaanka kadib markii ciidamo farabadan lagusoo daadiyay wadada.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in xoogagii weerarka geystay ay si nabad gelyo ah goobta uga baxsadeen mana jirin cid dabagal ku sameysay marka laga reebo ciidamo goobta lagusoo daadiyay.


Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa bilihii lasoo dhaafay faraha kasii baxayay waxaana magaalada joogta ka noqday dilalka qorshaysan ee ka dhanka ah askarta iyo saraakiisha DF-ka.

Related Items