Wasiirrada iyo Xildhibaanada Kasoo Jeeda Beesha Hawiye Oo Cadaadis Siyaasadeed Saaraya Xasan Sheekh Warbixin.

Wednesday June 25, 2014 - 10:31:03 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirrada iyo Xildhibaanada Kasoo Jeeda Beesha Hawiye Oo Cadaadis Siyaasadeed Saaraya Xasan Sheekh Warbixin.

    Ismawari-waa xooggan ayaa soo kala dhaxgalay golaha wasiirrada dowladad Federaalka kaasi oo salka ku haya awood qeybsiga 4.5 ee lagusoo dhisay waxa loogu yeero hay'adaha Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fadhi hore oo ay yeesheen Golaha Wasiirrada DF-ka
Ismawari-waa xooggan ayaa soo kala dhaxgalay golaha wasiirrada dowladad Federaalka kaasi oo salka ku haya awood qeybsiga 4.5 ee lagusoo dhisay waxa loogu yeero hay'adaha Federaalka.

Kulan ay shalay magaalada Muqdisho ku yeesheen golaha wasiirada waxaa qaadacay dhammaan wasiirrada iyo wasiir ku xigeenka kasoo jeeda beesha Hawiye.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in kulamo ka dhan ah xukuumadda Cabdi Wali Sheekh ay ka socdaan Muqdisho iyo Afgooye.

Xildhibaanada iyo wasiirada Hawiye kasoo jeeda ayaa saluugsan qaabka uu Xasan Sheekh u maamulayo DF-ka iyo kala diriddii uu dhawaan ku sameeyay maamulka loogu magac daray Shabelle State oo lagu bedelay maamulka sedaxda gobo lee Baydhabo lagu dhisay.


Odayaal dhaqameedyo ay kamid yihiin Max’med Xasan iyo Axmed Diiriye ayaa qeyb ka ah Ololaha cadaadiska lagu saarayo Xasan Sheekh Maxamuud.

Qabyaladda oo kaalinta 1-aad ka ah habdhismeedka DF-ka ayaa lafilayaa in dib udhac hor leh ay u keento xukuumadda Fadhiidka ah ee shisheeyuhu ku ilaaliyaan Villa Somalia.

Related Items