Maxkamad Kutaal Magaalada Hargeysa Xabsi 7 Sanadood ah Ku Xukuntay Wariyaal Ka Howlgala Wargeyska Haatuf.

Wednesday June 25, 2014 - 17:33:40 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamad Kutaal Magaalada Hargeysa Xabsi 7 Sanadood ah Ku Xukuntay Wariyaal Ka Howlgala Wargeyska Haatuf.

    Maxkamadda magaalada Hargeysa ee maamulka isku magacaabay Somaliland ayaa markale xukuno ku ridday saxafiyiinta ka howlgala warbaahinta Haatuf.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda magaalada Hargeysa ee maamulka isku magacaabay Somaliland ayaa markale xukuno ku ridday saxafiyiinta ka howlgala warbaahinta Haatuf.

Fadhigii maxkamadda ee maanta ayaa ahaa mid buuq farabadan ka dhaliyay hoolka maxkamadda kadib markii garsooruhu uu ku dhawaaqay xukunka kama dambaysta ah.

Yuusuf Cabdi Goobe madaxa wargeyska Haatuf ayaa lagu xukumay sedax sanadood oo xarig ah halka Axmed Cali Cige tifaftiraha wargeyska lagu xukumay afar sanadood.

Maamulka Somaliland ayaa saxafiyiintan ku eedeeyay in ay faafiyeen warar been abuur ah oo khal-khal gelinaya ammaanka deegaanada Somaliland.


Xeer ilaaliyaha guud ee xeerbeegtida maamulka Hargeysa Aadan Salaad Seed oo warbaahinta kula hadlay afaafka hore ee Maxkamadda ayaa sheegay in xukunkani uu u dhacay si cadaalad ah.

Saxafiyiinta kala ah Yuusuf Cabdi Goobe iyo Axmed Cali Cige ayaa sanadadii lasoo dhaafay handadaad kala kulmayay maamulka Siilaanyo waxaana xusid mudan in gobollada waqooyi galbeed Soomaaliya ee Somaliland loo yaqaan laga mamnuucay in Internetka laga booqdo website-yada Wargeyska Haatuf.

Maamulka Somaliland ayaa ah maamulka ugu daran ee saxaafadda Caburiya marka loo eego maamulada kala duwan ee kajiro soomaaliya.

Related Items