Mujaahidiinta Afghanistan oo Sedax Magaalo Ka Xureeyay Ciidanka Mareykanka iyo Maleeshiyaadka Karzaay Warbixin.

Wednesday June 25, 2014 - 18:02:21 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 5
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Mujaahidiinta Afghanistan oo Sedax Magaalo Ka Xureeyay Ciidanka Mareykanka iyo Maleeshiyaadka Karzaay Warbixin.

    Wararka ka imaanaya Koonfurta wadanka Afghanistan ayaa sheegaya in dagaallo sedax maalmood qaatay kadib ay ciidamada mujaahidiinta kula wareegeen dhul baaxad leh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya Koonfurta wadanka Afghanistan ayaa sheegaya in dagaallo sedax maalmood qaatay kadib ay ciidamada mujaahidiinta kula wareegeen dhul baaxad leh.

Boqolaal katirsan ciidamada Mujaahidiinta Daalibaan ayaa guluf dagaaleed ku qaaday saldhigyada ciidamada soo duulayaasha Mareykanka iyo Maleeshiyaadka Xamiid Karzaay ee gobolka Helmand.

Bayaan kasoo baxay imaarada Islaamiga Afghanitan (Taliban) ayaa lagu faah faahiyay guulaha laga gaaray howlgalka Kheybar qeybtiisa dhul furashada.

Ugu horreyn bayaanka ayaa lagu sheegay in ciidamada mujaahidiintu ay qaadeen guluf dagaaleed ka dhan ah cadawga ku sugan 6 degmo oo gobolka Helmand katirsan islamarkaana laxureeyay sedax degmo oo muhiim ah.


Magaalooyinka istiraatiijiga ah ee mujaahidintu ka qabsadeen ciidanka Mareykanka iyo maleeshiyaadka Xamiid Karzaay waxay kala yihiin Senjiin,Saarwaan iyo Muusa Kala.

21 katirsan ciidanka Mareykanka ayaa lagu dilay dagaal malxamad ah oo ka dhacay degmada Senjiin halka mujaahidiintu ay gubeen 6 gaadiidaka gaashaaman ah.

Warka kasoo baxay mujaahidiinta Daalibaan waxaa si buuxda loogu faah faahiyay dagaal sedax maalmood socday iyo hallaag daran oo gaaray NATO iyo maleeshiyaadka ka hoos shaqeeya.

Wariyaal ku sugan Afghanistan waxay soo sheegayaan in xaddiga dagaalka Helmand laga dareemay xad beenaadyada ay wadaagaan Afghanistan iyo Pakistan oo ah dhul furan mujaahidiinta in ay isaga kala gooshaan.

Related Items