Dagaal Gaari Looga Gubay Ciidamada Kenya oo ka Dhacay Duleedka Degmada Ceel Waaq.

Wednesday June 25, 2014 - 22:00:49 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Dagaal Gaari Looga Gubay Ciidamada Kenya oo ka Dhacay Duleedka Degmada Ceel Waaq.

    Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee dhaca Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada mujaahidiinta ay weerar qorshaysan ku qaadeen kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidanka Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee dhaca Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada mujaahidiinta ay weerar qorshaysan ku qaadeen kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidanka Kenya.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in weerar dhabagal ah oo markii dambe isku bedelay dagaal fool ka fool ah uu ka dhacay inta u dhaxaysa degmada Ceel-Waaq iyo deegaanka Buusaar.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in gaari nuuca ciidanka xambaara ah oo ay wateen ciidanka Kenya lagu gubay dagaalka,ilo wareed mas’uul ah ayaa sheegaya in askarta Kenya laga dilay uu kamid yahay sarkaal sare.

Ciidamada muslimiinta ee ka dagaalamaya Gedo iyo Jubbada Hoose ayaa xoojiyay weerarada ka dhanka ah gumeystaha Kenya ee duullaanka gardarada ah kusoo qaaday Soomaaliya.

Related Items