Faah Faahin:Saraakiil Katirsan Ciidanka Jabuuti Oo Lagu Dilay Weerarka Buula Barde.

Thursday June 26, 2014 - 09:25:09 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah Faahin:Saraakiil Katirsan Ciidanka Jabuuti Oo Lagu Dilay Weerarka Buula Barde.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgalka baaxadda leh ee ciidamada gaarka ah ee Shabaabul Mujaahidiin ka wadaan bartilmaameed gaar ah oo degmada Buula Barde katirsan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bartamaha degmada Buula Barde
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgalka baaxadda leh ee ciidamada gaarka ah ee Shabaabul Mujaahidiin ka wadaan bartilmaameed gaar ah oo degmada Buula Barde katirsan.

Tobaneeyo askar iyo saraakiil ah ayaa lasoo sheegayaa in ay ku dhinteen qarax weyn oo Hoteelka Camaloow lala eegtay kadibna waxaa xigay toogasho toos ah oo ay geysanayeen ciidamada gudaha ugalay saldhigga AMISOM.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in ay maqleen jug weyn kadibna dagaal fool ka fool ah uu magaalada ka bilaawday,warar hordhac ah waxay sheegayaan in 6 sarkaal oo hoggaaminaysay ciidanka Jabuuti ladilay iyo maleeshiyaad farabadan oo Soomaali ah.


Dhismaha Hoteelka Camaloow waxaa si buuxda ula wareegay ciidanka xoog kugalka sameeyay ee shabaabul Mujaahidiin.

Deegaanada hoos yimaad degmada Buula Barde ayaa laga maqlayaa jugta qaraxyada iyo rasaas ka socota degmada.


Liibaan Jeexoow Cabdi

SomaliMeMo,Muqdisho

[email protected]

Related Items