Dhageyso:Sh.Cali Jabal oo Shacabka Muqdisho Ugu Hambalyeeyay Bisha Ramadaan Jawaabna Ka Bixiyay Goodiska DF-ka.

Saturday June 28, 2014 - 19:46:37 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso:Sh.Cali Jabal oo Shacabka Muqdisho Ugu Hambalyeeyay Bisha Ramadaan Jawaabna Ka Bixiyay Goodiska DF-ka.

    Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa shacabka soomaaliyeed ugu hambalyaysay bilshada Barakeysan ee Ramadaan oo ubilatay dhammaan muslimiinta caalamka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa shacabka soomaaliyeed ugu hambalyaysay bilshada Barakeysan ee Ramadaan oo ubilatay dhammaan muslimiinta caalamka.

Mas’uulka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin uqaabilsan gobolka Banaadir ayaa muslimiinta kula dardaarmay in ay ka faa’iideystaan bisha Ramadaan si Allaah uu naarta uga xureeyo.

Sheekh Cali Maxamed Xuseen ayaa muslimiinta kula dardaarmay in ay ilaaliyaan aadaabta Ramaddaanka ayna ka fogaadaan waxyaabaha bidcada ah.

Dadka fuqarada ah iyo Masaakiinta ayuu sheekhu ku baaqay in loo dhimriyo oo wax lagu sadaqeysto maadaama bisha Ramadaan ay tahay bil acmaasha allaah uu labalaabo.


Inta lagu guda jiro Ramadaan Mujaahidiintu Way Xoojin doonaan Howlgalada Muqdisho.

Sheekh Cali Jabal ayaa shaaciyay in ciidankoodu labalaabi doonaan weerarada ka dhanka ah shisheeyaha ku sugan Muqdisho iyo Dowladda Federaalka.

Wuxuu ka jawaabay warar maalmahan ay warbaahinta ka afuufayeen madaxda DF-ka oo ah in ay qabteen dad qaraxyo ka geysan rabay caasimadda  iyo goodiska ka imaanayay madaxda dowlada oo ahaa in ay adkeyn doonaan ammaanka inta lagu jiro bisha Ramadaan.

Sheekh Cali Jabal ayaa ku tilmaamay warka kasoo yeeray madaxda dowladda iyo AMISOM mid looga gol-leeyahay in hantida shacabka Soomaaliyeed lagu boobo.

Halkan ka degso Shirka Jaraa'id Ee Sheekh Cali Jabal MP3


Related Items