Dowladaha Ingiriiska iyo Australia oo Muwaadiniintooda uga digay in ay usafraan dalka Kenya.

Sunday March 29, 2015 - 08:40:11 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladaha Ingiriiska iyo Australia oo Muwaadiniintooda uga digay in ay usafraan dalka Kenya.

    War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Ingiriiska ayaa muwaadiniinta wadankaasi uga digay in ay u safraan wadanka Kenya ee dhaca bariga qaaradda Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Ingiriiska ayaa muwaadiniinta wadankaasi uga digay in ay u safraan wadanka Kenya ee dhaca bariga qaaradda Afrika.

Wasaaradda arrimaha dibadda Ingiriiska waxay sheegtay in ammaan darrida kajirta Kenya ay halis gelin karto ammaanka dadka reer galbeedka ah gaar ahaan Ingiriiska.

Xukuumadda London waxay carrabka ku adkeysay in weeraradii is xigxigay ee shabaabul Mujaahidiin ka fuliyeen Kenya ay walbahaar ku beertay dadka caddaanka ah.

Dhinaca kale Australia ayaa digniin ujeedisay muwaadiniinteeda in ay usafraan wadanka Kenya,ammaanka Kenya ayaa sanadadii lasoo dhaafay ahaa mid faraha kasii baxayay tan iyo markii ciidankeedu duullaanka ku qaadeen Soomaaliya.

Related Items