Dowladda Itoobiya oo Ku Dhawaaqday in Ciidankeeda ay kala baxayso Gobolka Hiiraan Ee Soomaaliya.

Sunday March 29, 2015 - 09:20:41 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 40
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Itoobiya oo Ku Dhawaaqday in Ciidankeeda ay kala baxayso Gobolka Hiiraan Ee Soomaaliya.

    Taliska ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobolka Hiiraan bartamaha dalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in ay isaga bixi doonaan deegaanno iyo degmooyin Hiiraan katirsan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobolka Hiiraan bartamaha dalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in ay isaga bixi doonaan deegaanno iyo degmooyin Hiiraan katirsan.

Munaasabad ka dhacday duleedka magaalada Beled Weyne ayay saraakiisha Xabashida Itoobiya uga dhawaaqeen in ay ka baxayaan gobolka Hiiraan kadib sanad iyo sedax bilood oo ay magaca AMISOM ku heysteen degmooyinka Maxaas iyo Beled weyne.

Taliye ku xigeenka ciidanka AMISOM oo dalka Uganda kasoo jeeda ayaa isna xaqiijiyay in ciidanka Itoobiya ay isaga baxayaan gobolka Hiiraan,Cabdi Fataax Xasan Afrax oo Itoobiya u magacaawday guddoomiyaha Hiiraan ayaa isna warbaahinta u xaqiijiyay in ciidanka Itoobiya bixitaan ku wargeliyeen wuxuuna walaac ka muujiyay go'aanka Itoobiya qaadatay ee ku saabsan ka bixitaankooda gobolka Hiiraan.


Ciidamada xarakada Al Shabaab ayaa maalmo ka hor dib ula wareegay deegaanka Buq-goosaar ee duleedka B/weyne kadib markii ciidanka Itoobiya isaga baxeen.

Related Items