TALO ALLAA KU FILAN TAAGEERANA MUSLIMKAA ISKA LEH

Sunday March 29, 2015 - 19:25:22 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    TALO ALLAA KU FILAN TAAGEERANA MUSLIMKAA ISKA LEH

    Asalamu caleykum waraxmatullahi wabarakatuhu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Asalamu caleykum waraxmatullahi wabarakatuhu

Mahad dhamaanteed Allah ayey u sugnaatay, naxariis iyo nabadgelyo nabi Muxamed korkiisa ha ahaato, salaan ka dib qormadeydaan waxay ku saabsan tahay qofkasta ee muslim ah yey tahay in uu la safto ama uu ka safto.

Ugu horeyn waxaan soo xasuustay malintii ay iclaamiyeen wadaadadu in ay bedeleen xeeladii dagaalka runtii waxaa ii soo hoyatay murugo badan waayo waxaan dareemayay shacabka muslimka ah in uu yahay sidii hilib bisil oo kale hadii cadowgu meel ka helana uu degdeg ku cunayo,waxaad fahmeysaa nicmada markii ay kaa tagto inaad nicmo ku jirtay.



Hadaba waxaa dad badani u maleeyeen in ciidankaan gumeysiga ee AMISOM uu nabad gelyada,barwaaqo iyo dowladnimo gacanta ku hayo lakin Allah ayaa inoo sheegay in gaaladu cadow nagu tahay markasta iyo meelkasta, hadaba sideey ku suuro galee fikirka dadka qaarkiis qabaan ama horumarka ay ka sugayaan AMISOM oo gaalo ah, waxaase xusid mudan in shacabka somaliyeed arkay in aan danohooda laga shaqeyneynin.

Dadka qaar waxay ku fikireen in ku dhaqanka shareecada islaamka laga dhexkeeni karo in lagu darmo cadowga taas oo ah iyana baadi cad iyo doqonimo, tusaale ahaan in NIKLOS KEY uu saxiixo in lagu dhaqmo shareecada islaamka, ogoow gaalku inuusan ku jecleen wanaagna kula rabin hormarkaaga uu ka naxayo.

Dadka qaarna waxay qaateen go’aan liita oo ah aniga qofkii raba ha imaamulo lakin nabad aan helo oo kaliya, isagoon ka damqaneynin diintiisa oo wax waliba soo hoos galayaan adduun iyo akhiraba ahna maslaxada ugu weyn oo aan ilaashaneyno hadaan nahay muslimiin, qofkaas wuxuu moogyahay in xitaa nabadana uusan ka heleynin reer galbeedka iyo dadka ay wataan.

Anigu ma aqaan sida aan u simi karodad muslimiin ah oo Drone lagu garaacayo, markasta lasuurad xumaynayo iyaguna leh rabigeen waa Allaah cid kasokeesana caabudi meyno rasuulkeena ayaan ku dayaneynaa hadii rasuulka wax laga sheegana (uma qalmee) waa u aargudeynaa iyo gaalo Allah cibaadadiisa dafirtay, rasuulkiisana caayday qabsateyna dhulalkii muslimiinta si toos ah iyo si dadban intaba, caamadii musliintana warbaahin aan ka tarjumeynin diintooda iyo dadnimadooda ku lumisey, oo ma aqaano sabab aan u dhaho muslimiintaas dagaalameysa ayaa qaldan waayo waxaan noqonayaa diinlaawe.

Hadaba waxaan dhihi lahaa qof walba ha iska fiiriyo cidda uu taageerayo, jeclaanayo guushooda ku farxayo iyo qofka uu nacayo,lana coloobayo, waxaan soo xasuustay hadda ka hor bush ayaa yiri (Either you with us, or with terrorist) oo macneheedu yahay ama annaga nala jira ama argagixisada la jira(mujaahidiinta la jira) marka meel dhexaad ayaan ahay ma soconeyso akhyaareey, ee noqo mid la jira muslimiinta illeen muslim ayaad tahaye.Waxaan kusoo gabagabeynayaa TALO ALLAA KU FILAN TAAGEERANA MUSLIMKAA ISKA LEH.

WAXAA DIYAARIYEY AKHUUKUM FIL CAQIIDAH

Cabdi Nasir Ansaari

08 JUMAADUL AKHIR 1436 OO KU BEEGAN 28/Marso/2015


Related Items