Sawirro:Itoobiya oo Billadda Dabadhilifnimada Guddoonsiiyay Shariif Sakiin killi6 Cusubna Ku Dhawaaqday.

Monday March 30, 2015 - 17:46:35 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 41
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Sawirro:Itoobiya oo Billadda Dabadhilifnimada Guddoonsiiyay Shariif Sakiin killi6 Cusubna Ku Dhawaaqday.

    Kadib munaasabad ka dhacday magaalada Baydhabo ee gacanta xabashida itoobiya ku jirta ayna ka qeyb galeen saraakiil ka socotay dowladaha itoobiya iyo Uganda ayaa looga dhawaaqay in billada dabadhilifnimada lagudoonsiiyay shariif Sakiin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib munaasabad ka dhacday magaalada Baydhabo ee gacanta xabashida itoobiya ku jirta ayna ka qeyb galeen saraakiil ka socotay dowladaha itoobiya iyo Uganda ayaa looga dhawaaqay in billada dabadhilifnimada lagudoonsiiyay shariif Sakiin.

Taliyaha ciidamada gumeysiga itoobiya ee Soomaaliya ku sugan Jeneraal Gabre ayaa munaasabadda uga dhawaaqay in Itoobiya ay ciidankeedu ku guuleysteen qabsashada gobollada Bay iyo Bakool isagoona ammaan ujeediyay Shariif Xasan oo Itoobiya ugu magacaaban guddoomiyaha Koonfur galbeed Soomaaliya.

Arrinta layaabka leh ayaa aheyd markii Shariif Sakiin uu soo dhax istaagay ciidamada Xabashida Itoobiya kadibna qoorta loo geliyay maro calanka itoobiya lagu xardhahay oo saraakiisha xabashidu ku sheegeen billadda lagudoonsiiyo dabadhilifyada ka shaqeeya danaha Itoobiya.


intaasi kadib ayaa shariif Xasan loo dhiibay calanka Itoobiya isagoo kor ulalminayay islamarkaana muujinayay guul itoobiya usoo hoyatay.

Taliye ku xigeenka ciidanka shisheeyaha AMISOM ayaa isna saraakiisha Itoobiyaanka guddoonsiiyay bilad muujinaysa in Soomaaliya noqotay killi6 oo ay tahay qeyb kamid ah Itoobiya.

Shariif Sakiin oo taariikh madoow ku leh soomaaliya ayaa caddeystay dabadhilifnimadiisa "shariif Sakiin waxaa lagu guddoonsiiyay billada dabadhilifnimada runtii waa wax lala yaabo nin siyaasi soomaaliyeed sheeganaya oo inta calanka Itoobiya qoorta loo geliyay qoslaya kuna faraxsanā€¯ayuu yiri Cabdi Cadde.

http://wata.cc/up/2015/03/images/w-ab4f6bd845.jpg
http://wata.cc/up/2015/03/images/w-3356a91147.jpg
http://wata.cc/up/2015/03/images/w-7684b85096.jpg
http://wata.cc/up/2015/03/images/w-4f8813b9db.jpg
http://wata.cc/up/2015/03/images/w-9c7cfead11.jpg
http://wata.cc/up/2015/03/images/w-09f9a3c0e2.jpg
http://wata.cc/up/2015/03/images/w-47885f9ef9.jpg
http://wata.cc/up/2015/03/images/w-f137856c35.jpg

Related Items