Dhageyso:Waaliga Hiiraan Oo Ka Hadlay Bixitaanka Ciidamada Itoobiya Ee Gobolka Hiiraan.

Tuesday March 31, 2015 - 06:18:17 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso:Waaliga Hiiraan Oo Ka Hadlay Bixitaanka Ciidamada Itoobiya Ee Gobolka Hiiraan.

    Waaliga wilaayada islaamiga ah ee Hiiraan Sheekh Maxamad Mire oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta islaamiga ah ee Al-furqaan ayaa ka war bixiyay dhaqdhaqaaqa bixitaan ee ay ciidamada Itoobiya ka wadaangobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waaliga wilaayada islaamiga ah ee Hiiraan Sheekh Maxamad Mire oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta islaamiga ah ee Al-furqaan ayaa ka war bixiyay dhaqdhaqaaqa bixitaan ee ay ciidamada Itoobiya ka wadaangobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Sheekha ayaa sheegay in xabashidu ay ka bexeen qaar kamid ah degaanadii ay ka joogeen wilaayada Hiiraan sida Buq-goosaar haddana ay u diyaarsan yihiin iney ka baxaan dhulka ay kaga harsan yihiin wilaayada.

Wuxuu sheegay in dorraad xaflad sagootin ah ay ciidamada Jabuuti u sameeyeen askartii Xabashida ee la joogtay magaalada Baladweyne, isagoo arimahan u sababeeyay khasaaraha faraha badan iyo dhiig baxa ay lakulmeen taasoo ay usii dheer tahay iney waayeen ciidan lagu badalo kuwii dhintay iyo kuwa daalay.



Itoobiyaanka baqa cararka ah ee baaqiga ku ah degaanada qaar ee wilaayada ayuu sheekh Maxamad Sheegay iney dadka shacabka ah u sheegeen iney baxayaan. Xabashida ayaa dhibaatooyin aan lasoo koobi karin ku hayay bulshada ku dhaqan wilaayada Hiiraan heer xitaa ay gaareen in magaalada Baladweyne ay kusoo rogaan bandow maalintii ah.

Gabagabada wareysiga ayuu sheekhu uga hadlay waxa u qorsheysan ka maamul ahaan iyo dardaaran guud oo ku socday bulshada muslimka ah ee Soomaaliyeed oo ay kuwa Hiiraan kamid yihiin.

Halkan ka Dhageyso Sh-Maxamad Mire waaliga Hiiraan

Related Items