Sarkaalad Katirsaneed Argagaxisa Ladirirka Uganda oo Lagu Dilay Magaalada Kampala.

Tuesday March 31, 2015 - 09:22:49 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Sarkaalad Katirsaneed Argagaxisa Ladirirka Uganda oo Lagu Dilay Magaalada Kampala.

    Rag hubeysan ayaa bartamaha magaalada Kampala ku toogtay xeer ilaaliyaha guud ee maxkamadda dalka Uganda ee qaabilsan la dagaalanka waxa loogu yeero Argagaxisada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Rag hubeysan ayaa bartamaha magaalada Kampala ku toogtay xeer ilaaliyaha guud ee maxkamadda dalka Uganda ee qaabilsan la dagaalanka waxa loogu yeero Argagaxisada.

Wararka ka imaanaya Uganda ayaa sheegaya in xoogag hubeysan oo watay mooto dhug-dhugleey ah ay toogteen Joan Kagezi xilli ay saarneed gaari nuuca raaxada ah.

Goob joogayaal ay soo xigatay warbaahinta Uganda ayaa sheegay in haweenayda rasaastu ka haleeshay madaxa kadibna ay ku dhimatay wadada xilli loosii waday isbitaalka ugu weyn Kampala oo xukuumaddu maamusho.

Joan Kagezi ayaa isku diyaarinaysay in maanta ay dacwad kusoo oogto 13 qof muslimiin ah oo loo heysto in ay katirsanyihiin xarakada Shabaabul Mujaahidiin islamarkaana ay ku lug lahaayeen weeraradii khasaaraha badan dhaliyay ee Uganda ka dhacay sanaddii 2010.


Taliyaha Booliska magaalada Kampala ayaa sheegay in ay ka xunyihiin dilka Joan Kagezi oo uu ku tilmaamay halyay muhiimad wayn u heysay amniga iyo nabad gelyada Uganda.

Related Items