Weerar Lagu Qaaday Saldhigyada Ciidanka DF-ka Ee Degmada Afgooye.

Tuesday March 31, 2015 - 09:40:33 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Lagu Qaaday Saldhigyada Ciidanka DF-ka Ee Degmada Afgooye.

    Wararka ka imaanaya gobolka shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada mujaahidiintu ay weeraro xoogan ku qaadeen saldhigyo ciidan oo gudaha iyo hareeraha degmada Afgooye kuyaal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada mujaahidiintu ay weeraro xoogan ku qaadeen saldhigyo ciidan oo gudaha iyo hareeraha degmada Afgooye kuyaal.

Xalay saqdii dhexe ayay iska hor’imaadyo xooggan ka dhaceen koontarool ay gaadiidka lacago baad ah uga qaadaan ciidamada Dowladda Federaalka,hugunka rasaas xooggan oo labada dhinac is dhaafsanayeen ayaa laga maqlayay  gudaha Afgooye.

Sidoo kale weerar ayaa lagu qaaday saldhig ay gudaha degmada ku leeyihiin ciidamada booliska,illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay weerarka.

Ciidamada Al Shabaab ayaa xoojiyay howlgallada ka dhanka ah shisheeyaha Soomaaliya kusoo duulay iyo maleeshiyaadka DF-ka ee gumeysi kalkaalka ah.

Related Items