DF-ka Oo Qirtay In Gacmo Shisheeye ka Dambeeyaan Dagaal Beeleedyada Hiiraan.

Tuesday March 31, 2015 - 22:54:14 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    DF-ka Oo Qirtay In Gacmo Shisheeye ka Dambeeyaan Dagaal Beeleedyada Hiiraan.

    Iyadoo muddo lagu jahwareersanaa halka uu salka ku hayo dagaalka qabiil ee ka dillaacay deegaanka Deefoow ee duleedka magaalada B/weyn tuhun weyn oo ah in Itoobiya ay ka dambeyso dagaalkaasna uu jiray ayaa waxaa soo baxaya warar xaqiiq ah oo sheegaya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo muddo lagu jahwareersanaa halka uu salka ku hayo dagaalka qabiil ee ka dillaacay deegaanka Deefoow ee duleedka magaalada B/weyn tuhun weyn oo ah in Itoobiya ay ka dambeyso dagaalkaasna uu jiray ayaa waxaa soo baxaya warar xaqiiq ah oo sheegaya in gacmo dolwado gaalo ah ay dambeeyaan dagaalka.
Xildhibaan Daahir oo ka mid ah xubnaha baarlamaanka DF-ka oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay inay heleen macluumada sheegeysa in dagaalka Deefoow ay ku lug leeyihiin dowlado isagoo ka gaabsaday ku dhawaaqidda magacyada xukuumadahaas laakiin uu caddeeyay inay adag tahay xallinta arrinka dagaalka.

"Waxaan Wareysanay dadka deegaanka waxay noo sheegeen in laga soo hurinayo colaadda xuduudaha gadaashooda marka taas waa arrin halisteeda leh"ayuu sii raacsaday hadalkiisa.

Hore waxaa u jiray tuhunka ah in xukuumadaha Itoobiya Iyo Jabuuti ay gadaal ka taaganyihiin dagaalka dhammaadka aan lahayn ee Hiiraan ka socda,inkastoo ay jiraan dadaallo lagu qaboojinayo oo ay wadaan qabaa'ilka dariska la ah ee agdhaw halka la isku hayo.

Related Items