Weerar Khasaara Dhaliyay oo Duleedka Degmada Buula Barde lagula Beegsaday Maleeshiyaadka Jabuuti.

Wednesday April 01, 2015 - 12:19:03 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Weerar Khasaara Dhaliyay oo Duleedka Degmada Buula Barde lagula Beegsaday Maleeshiyaadka Jabuuti.

    Barqanimadii maanta ayaa ciidan ka tirsan Jabuuti maleeshiyaadka DF-ka oo kasoo baxay degmada Buulo burte waxay aadeen dhanka jiinka Wabiga gaar ahaan deegaan lagu magacaabo Sheybow halkaasoo ay ugu sii diyaarsanaayeen ciidanka Mujaahidiinta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Barqanimadii maanta ayaa ciidan ka tirsan Jabuuti maleeshiyaadka DF-ka oo kasoo baxay degmada Buulo burte waxay aadeen dhanka jiinka Wabiga gaar ahaan deegaan lagu magacaabo Sheybow halkaasoo ay ugu sii diyaarsanaayeen ciidanka Mujaahidiinta.

Mar qura ayaa la sheegayaa in dagaal uu halkaas ka biloowday iyadoo la isweydaarsaday hubka noocyadiisa kala duwan ,qof deegaanka ah oo la hadlay Shabakada SomaliMemo ayaa noo sheegay in dagaal muddo socday maleeshiyaadka ay dib usoo gurteen iyagoo usoo cararay dhanka degmada B/burte oo markii hore ay ka tageen.

Goobjoogaha ayaa intaas ku daray in maleeshiyaadka laga dilay hal qof  halka ay jiiteen kuwo kale oo ku dhaawacmay rasaastii la isweydaarsanayay,Ciidanka XMSh ayaa u haray deegaanka kadib markii ay ka ceyriyeen mooryaantii halkaas gaartay.


Hiiraan maalmihii lasoo dhaafay waxaa socday dagaal lagu beegsanayay ciidanka DF-ka Iyo kuwa Jabuuti waxaana wali magaalada saaran go'doonkii ay hore u saareen ciidanka Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab waana tan keeneysa in maleeshiyaadka ay isku dayaan inay baxsadaan laakiin ugu dambeyn ay ku dhacayaan dabinka ciidanka ku hareereysan magaalada.

Related Items