Eng Idriis Faarax "Axmad C/salaan Waa nin Heysta Diinta Itoobiya Macquulna Ma Ahan Inuu Madax U Noqdo Dadka Gobolada Dhexe" Dhageyso.

Wednesday April 01, 2015 - 15:38:49 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Eng Idriis Faarax "Axmad C/salaan Waa nin Heysta Diinta Itoobiya Macquulna Ma Ahan Inuu Madax U Noqdo Dadka Gobolada Dhexe" Dhageyso.

    Eng. Idriis Xassan Faarax oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed oo Yurubta ku dhaqan islamarkaana aqoon u leh inta badan siyaasiyiinta ay reer galbeedku u isticmaalayaan qabsashada wadanka ayaa waxa uu ka hadlay qorshaha ay Itoobiya ku dooneyso iney maamul u

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Eng. Idriis Xassan Faarax oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed oo Yurubta ku dhaqan islamarkaana aqoon u leh inta badan siyaasiyiinta ay reer galbeedku u isticmaalayaan qabsashada wadanka ayaa waxa uu ka hadlay qorshaha ay Itoobiya ku dooneyso iney maamul uga dhisto gobolada dhexe.

Waxa uu sheegay inaanu maamulkan waxba kaga duwaneyn kuwa ay Xabashidu ka dhiseen dalka sida:- kan Baydhabo, Kismaayo, Garowe, Hargeysa iyo kuwa yar yar ee lamidka ah.

Waxa uu sheegay iney Itoobiya qorshahan usoo wakiilatay xubno ku uur iyo ku caqiido ah laakin muuqaalka Soomaali ka ah kuwaasoo uu kamid yahay Axmad Cabdisalaam safiirka dowladda u fadhiya magaalada Adis-ababa ee dalka Itoobiya.



Idriis ayaa sheegay in Itoobiya ay dooneyso in maamulka gobolada dhexe ay u dhiibto Axmad Cabdisalaam oo uu ku tilmaamay in ku dhaqma diinta ay Itoobiyaanku aaminsan yihiin macruufna ay tahay arrintaas.

Xigasho:idaacadda Alfurqaan

Related Items