Deg Deg:Al Shabaab oo Sheegatay Mas'uuliyadda Weerarka Khasaara Badan Dhaliyay Ee Ka Dhacay Jaamacadda Magaalada Gaarisa.

Thursday April 02, 2015 - 12:03:11 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Deg Deg:Al Shabaab oo Sheegatay Mas'uuliyadda Weerarka Khasaara Badan Dhaliyay Ee Ka Dhacay Jaamacadda Magaalada Gaarisa.

    Rag hubeysan ayaa goordhaw weerar xooggan ku qaaday dhismaha jaamacadda weyn ee magaalada Gaarisa dhulka Soomaalida ee Kenya gumeysato.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Rag hubeysan ayaa goordhaw weerar xooggan ku qaaday dhismaha jaamacadda weyn ee magaalada Gaarisa dhulka Soomaalida ee Kenya gumeysato.

Wararka ka imaanaya Gaarisa ayaa sheegaya in rasaas xooggan ay ka socoto gudaha dhismaha jaamacadda,wariye Gaarisa ku sugan ayaa soo sheegay in boqolaal katirsan ardayda waxka barata jaamacadda ay ku go’doonsanyihiin gudaha dhismaha.

War rasmi ah oo kasoo baxay Afhayeenka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa lagu sheegay in mujaahidiintu ay weerareen Jaamacadda Kenya ayna ciidanka mujaahidiintu gudaha dhismaha ka dagaalamayaan.


Sheekh Cali Dheere Afhayeenka  Shabaabul Mujaahidiin ayaa warbaahinta u sheegay in ciidankoodu Howlgal ka wadaan Gaarisa balse faah faahinta ay dib kasoo sheegi doonaan.

Lasoco wixii soo kordha

Related Items