Mas'uul Katirsanaa Xukuumadda Turkiya oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Magaalada Istanbuul.

Thursday April 02, 2015 - 09:52:32 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mas'uul Katirsanaa Xukuumadda Turkiya oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Magaalada Istanbuul.

    Wararka ka imaanaya wadanka Turkiya ayaa sheegaya in ladilay mas'uul sare oo katirsan xeer ilaalinta wadankaasi kana mid ahaa xisbiga uu madaxda u yahay Rajeb Dayib Erdogaan madaxweynaha Turkiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Turkiya ayaa sheegaya in ladilay mas'uul sare oo katirsan xeer ilaalinta wadankaasi kana mid ahaa xisbiga uu madaxda u yahay Rajeb Dayib Erdogaan madaxweynaha Turkiya.

Saraakiisha booliska ayaa xaqiijiyay in magaalada Istanbuul lagu dilay madaxii dacwad soo oogaha maxkamadda sare kadib markii maleeshiyaad hubeysan oo katirsan calmaaniyiinta PKK ay weerar gaadma ah ku qaadeen.

R/wasaaraha Turkiya Axmed Daa’uud Ooglo oo warbaahinta lahadlay ayaa ku hajnabay in tallaab adag ay ka qaadi doonaan kooxaha Kurdiyiinta gooni u goosadka ah.

Sidoo kale weerar hubeysan oo lagu  qaaday xarunta degmada Istanbuul ayaa khasaara lagu gaarsiiyay ciidamo katirsan booliska,warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in weerarada ka dhacay magaalada istanbuul ay  jiha wareer ku rideen xukuumadda Erdogaan.


Kooxaha mucaaradka Turkiya ayaa wax lalayaabo ku tilmaamay sida ay ku suurtagashay in rag hubeysan ay xoog ku galaan dhismayaasha ammaankooda sida aadka ah loo adkeeyo ee maxkamadaha magaalada istanbuul.

Related Items