Warar Sheegaya in Kulamadii Baarlamaanka DF-ka loo Wareejiyay Magaalada Kampala iyo Siyaasiyiin Dhaleecayn Jeediyay.

Thursday April 02, 2015 - 10:14:42 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 2 1
  • Share via Social Media

    Warar Sheegaya in Kulamadii Baarlamaanka DF-ka loo Wareejiyay Magaalada Kampala iyo Siyaasiyiin Dhaleecayn Jeediyay.

    Xilli ammaanka magaalada Muqdisho uu faraha kasii baxayo ayay xildhibaanada baarlamaanka dowladad Federaalka kulamadoodi caadiga ahaa u wareejiyeen dhanka wadanka Uganda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baarlamaanka Fadhiidka ah ee DF-ka waxaa dhisay Mahiga Ergagii hore ee Q.Midoobe u qaabilsanaa Somalia
Xilli ammaanka magaalada Muqdisho uu faraha kasii baxayo ayay xildhibaanada baarlamaanka dowladad Federaalka kulamadoodi caadiga ahaa u wareejiyeen dhanka wadanka Uganda.

Kumanaan askari oo ka socda wadamada Uganda iyo Burundi ayaa ku guulaysan waayay in ay baajiyaan weerarada shabaabul mujaahidiin ku qaadaan xarumaha dowladda.

Wax ku dhaw 2 bilood ayay guddiyada baarlamaanka dowladda Federaalka waxay kulamo ku leeyihiin magaalada Kampala halkaasi oo ay uga doodayaan ajandayaasha horyaal.

Mid kamida guddiyada baarlamaanka ee Kampala ku shirsan ayaa sheegay in sababa ammaan ay kulankoodu ugu wareejiyeen Uganda islamarkaana guddoomiyaha baarlamaanka Max’med Cismaan Jawaari uu Kampala ku suganyahay.


"Madaxda baarlamaanka DF-ka Muqdisho ayay ka carareen waxayna maciin bideen dhanka magaalada Kampala halkaasi ayay shirarka ku qabsanayaan go’aanada ay gaaraana waxay soo marayaan guddoomiyaha baarlamaanka Uganda”ayuu yiri siyaasi Xasan Nuur.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow ayaa warbaahinta u sheegay in guddi hoosaayada baarlamaanka ay si caadi ah ugusii shaqeyn doonaan Uganda isagoo tallaabadaasi ku tilmaamay mid wanaagsan

Related Items