Sawirro:Mujaahidiinta Ansaaru Shareecah oo Boqolaal Maxaabiis Ka Fakiyay Xabsi kuyaal Magaalada Al-mukallah Ee Dalka Yemen.

Thursday April 02, 2015 - 10:54:05 in Wararka by
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 30
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro:Mujaahidiinta Ansaaru Shareecah oo Boqolaal Maxaabiis Ka Fakiyay Xabsi kuyaal Magaalada Al-mukallah Ee Dalka Yemen.

    Kadib dagaal culus oo ka dhacay magaalada Al-Mukallah ee wadanka Yemen ayay ciidamada mujaahidiinta Ansaaru Shareecah u suurtagashay in ay qabsadaan intabadan xarumaha dowladda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib dagaal culus oo ka dhacay magaalada Al-Mukallah ee wadanka Yemen ayay ciidamada mujaahidiinta Ansaaru Shareecah u suurtagashay in ay qabsadaan intabadan xarumaha dowladda.

Wararka ka imaanaya Al-Mukallah ayaa sheegaya in xoogaga Ansaaru shareecah ay gacanta ku dhigeen xarunta Bankiga dhexe,qasriga gobolka iyo saldhigga Booliska.

Goob joogayaal ayaa xaqiijiyay in mujaahidiinta Ansaaru Shareecah ay xoog ku galeen xabsiga weyn ee Al-Mukallah waxayna kasii daayeen boqolaal Maxaabiis ah oo badankood loo heystay waxa loogu yeero Argagaxisada.

Dadka lasii daaye waxaa kamid ah hoggaamiye sare oo katirsan mujaahidiinta Al Qaacidda oo laba sanadood ka hor ugacan galay xukuumaddii dabadhilifka aheyd ee Yemen kajirtay.

Embedded image permalink
Ragga Firfircoon ee wararka Jihaadka Yemen soo tebiya ayaa baahiyay in la xureeyay Sheekh Khaalid Baadrifi oo kamid ahaa culimada Yemen qeyna ka ahaa mujaahidiinta.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in xoogaga Ansaaru Sheeracah ay maxaabiista ay soo fakiyeen ula dhaqaaqeen goobo ammaan ah,magaalada Al-Mukallah ayaa dhacda Koonfur bari Yemen waana magaalo istiraatiiji ah oo badda ku teedsan.

Al Qaacidada Jaziiradda Carabta ayaa bilihii lasoo dhaafay isku fidinaysay dhul baaxad leh oo Yemen katirsan iyadoona dagaal adag kula jirta maleeshiyaadka shiicada Xuuthiyiinta.
Embedded image permalink
Embedded image permalink

Related Items