Cabdi Cadde "Shacabka Muqdisho Nabad ayay Ku Afuri Jireen Cidda Nabad darradu heysato Waa AMISOM iyo Dowladda Xasan Sheekh".

Sunday June 29, 2014 - 11:34:50 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdi Cadde "Shacabka Muqdisho Nabad ayay Ku Afuri Jireen Cidda Nabad darradu heysato Waa AMISOM iyo Dowladda Xasan Sheekh".

    Waxgaradka iyo siyaasiyiinta magaalada Muqdisho ayaa ka jawaabay dacaayad maalmihii lasoo dhaafay ay madaxda dowladda Federaalka ka faafinayeen warbaahinta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xasan Sheekh Maxamud
Waxgaradka iyo siyaasiyiinta magaalada Muqdisho ayaa ka jawaabay dacaayad maalmihii lasoo dhaafay ay madaxda dowladda Federaalka ka faafinayeen warbaahinta.

Hoggaamiyaha DF-ka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ay caasimadda ka hirgeliyeen ciidamo loog talagalay in ay ammaanka sugaan inta lagu gudajiro bisha Ramadaan.

Xasan Sheekh wuxuu magac gaar ah u bixiyay howlgal dhanka amniga ah oo ciidankiisu qaadeen isagoo ugu magac daray "Nabad Ku Afur”.

Siyaasiga Cabdi Cadde ayaa sharaxaad waafi ah ka bixiyay ujeedka laga leeyahay mashruuca Nabad ku afur iyo cidda u baahan nabadda ay dowladdu sheegayso!!.


"Fashilka gaamuray ee mudada sanadka kabadan heysta xukumadda Xasan Sheekh ayaa ku riixay in wax walba oo dacaayad ah oo ay awoodaan sameeyaan,waxay dhaheen Nabad Ku Afur xaqiiqda ayaa ah in shacabka Muqdisho nabad ay ku afuraan heystaan marka laga reebo dhaca iyo boobka ay kala kulmaan ciidanka dowladda”ayuu yiri Cabdi Cadde.

Siyaasigan wuxuu sheegay in xoogaga Al Shabaab ay mar walba ilaaliyaan ammaanka shacabka ayna u dagaalamayaan sidii shacabku isugu dhaqi lahaayeen shareecada Islaamka.

"Waxaa wax lagu qoslo ah AMISOM iyo Marya calasta dowladda Federaalka ayaa muslimiinta Muqdisho nabad ku afurinaya iyaga ayaaba ah kansarka nabadda,mashruucan waxaa looga golleeyahay in bulshada lagu khaldo balse taasi ma shaqeyn doonto”Cabdi Cadde.

Al Shabaab Miyaa Saa’imiinta Laysa?.

Cabdi Cadde wuxuu wax lalayaabo ku tilmaamay in AMISOM iyo xulufadood ay markii ay dhan walba ka fashilmeen hadda isku dayayaan in shacabka gobolka Banaadir ka gadaan Al Shabaab ayaa dadka Sooman amnigooda halis ku ah.

"Xasan Sheekh iyo lataliyayaashiisa waxbadan baa ka khaldan shacabka Muqdisho oo 20 sano dagaal kusoo jiray nidaamyo kala duwanna soo maray ayay isku dayayaan in ay jiha wareeriyaan,yaa laga gedayaa Shabaab ayaa Ramadaankiina halis ku ah”.

Ugu dambeyntii siyaasigan ayaa soo hadal qaaday waxa maalmaha soo socda laga filan karo magaalada Muqdisho isagoona saadaaliyay in maleeshiyaadka Dowladda Federaalka ay ku dagaalami doonaan isbaarooyinka u yaal waddooyinka Muqdisho iyo in ciidanka gaarka ah ee Xarakada Al Shabaab ay dilal iyo qaraxyo ka fuliyaan xarumaha dowladda iyo AMISOM.

Sheekh Cali Max’med Xuseen Cali Jabal oo xarakada Al Shabaab uqaabilsan gobola Banaadir ayaa isna barnaamijka "Nabad Ku Afur” ku sifeeyay mid ujeedkiisu yahay in hantida shacabka lagu boobo.


Liibaan Jeexoow Cabdi

SomaliMeMo,Muqdisho

[email protected]


Related Items