Dowladda Kenya oo Bandaw kusoo Rogtay Afar Magaalo Kadib Weerarkii Khasaraha Dhaliyay ee Gaarisa.

Saturday April 04, 2015 - 10:07:41 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Kenya oo Bandaw kusoo Rogtay Afar Magaalo Kadib Weerarkii Khasaraha Dhaliyay ee Gaarisa.

    Kadib weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay magaalada Gaarisa ayay xukuumadda Kenya ku dhawaaqday in bandaw adag lagusoo rogay afar degmo oo ku dhaw xad beenaadyada ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay magaalada Gaarisa ayay xukuumadda Kenya ku dhawaaqday in bandaw adag lagusoo rogay afar degmo oo ku dhaw xad beenaadyada ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiirka ammaanka Kenya ayaa ku dhawaaqay in Bandawgu uu saameyn doono magaalooyinka kala ah Gaarisa,Wajeer,Mandheera iyo Tanariva.

Kumanaan katirsan ciidanka booliska ayaa lagu arkayaa iyagoo gaaf wareegayay magaalooyinka gobolka gumeysiga kujira ee Kenya ula baxday "Waqooyi Bari”.

Madaxweynaha Kenya Uhuri Kenyatta ayaa wixii ka dhacay Gaarisa ku tilmaamay xasuuq ay Argagaxiso ugeysatay muwaadiniin Kenyan ah sida uu hadalka u dhigay.

Sedaxdii sanadood ee lasoo dhaafay ayuu ammaanka Kenya ahaa mid faraha kasii baxayay tan iyo markii ciidanka gumeysiga Kenya duullaanka gardarrada ah ku qaadeen Soomaaliya.

Related Items