AKhriso:Al Shabaab oo Kenya Ugu Hanjabtay Dagaal Dabadheeraada Kadib Weerarkii Khasaaraha Dhaliyay Ee Gaarisa.

Saturday April 04, 2015 - 10:50:44 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 2 0
  • Share via Social Media

    AKhriso:Al Shabaab oo Kenya Ugu Hanjabtay Dagaal Dabadheeraada Kadib Weerarkii Khasaaraha Dhaliyay Ee Gaarisa.

    Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska warfafinta xarakada Shabaabul mujaahidiin ayaa lagu faah faahiyay weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee Gaarisa kaasi oo lagu dilay ku dhawaad 200 qof oo dad Kenyaati ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada mujaahidiinta oo dhoolatus kusoo bandhigay degmada Baraawe/Sawir Hore
Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska warfafinta xarakada Shabaabul mujaahidiin ayaa lagu faah faahiyay weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee Gaarisa kaasi oo lagu dilay ku dhawaad 200 qof oo dad Kenyaati ah.



Warka kasoo baxay Al Shabaab ayaa si qota dheer uga hadlaya sababta keentay weerarka,gummaadka ciidanka Kenya ku hayaan shacabka soomaaliyeed iyo arrimo kale.

"Waa xaqiiq laga wada dharagsan yahay in dowladda Kenya ay ku kacday gaboodfalo ba’an oo ka dhan ah Muslimiinta bariga Africa. Laga soo bilaabo xasuuq wadareedyadii taariikhda galay ee Wagalla iyo Garissa oo ku dhawaad toban kun (10,000) oo Muslimiin ah lagu gumaaday iyo sidoo kale dilalka aan loo meeldayin ee lagu hayo Muslimiinta, waxay Ihaanada ka dhan ah dadka Muslimiinta u soo jiitameysay sidan oo kale, waxayna dhaawacyo qoto-dheer oo nafsaani ah ku abuurtay quluubta dad badan oo Muslimiin ah”ayaa lagu yiri bayaanka.




Al Shabaab waxay sheegtay in dowladda Kenya ay gacmaheeda ku kasbaday in muwaadiniinta Kenyaanka ah bartilmaameed u noqdaan mujaahidiinta kadib markii ciidankeeda ay udirtay soomaaliya islamarkaana shacabka soomaaliyeed ku xasuuqeen gobollada Gedo iyo Jubbooyinka wixii Gaarisa ka dhacayna ay jawaab celin uyihiin filicillada dowladda Kenya.

"Gudaha Soomaaliya, ciidamada Kenya waxay ka geysteen xasuuq aan tirakoob lahayn oo ka dhan ah bulshoweynta Muslimiinta. Iyagoo ka duulaya awaamiirta ay ka heystaan dowladooda, Ciidamada Kenya waxay gudaha Soomaaliya ka geysteen dilal wadareedyo, jirdil iyo Kufsi aan loo meeldayin oo ka dhan ah dumarka Muslimaatka ah. Tobaneeyo kun oo Muslimiin ah ayaa guryahooda laga barakiciyey, boqolaal kale waa la dilay, halka kumanaan kalena la dhaawacay, arintaas oo ah Natiijada ka dhalatay duulaankooda gaalada. Diyaaradaha Kenya waxay duqeymo ka geysteen xeryaha barakacayaasha iyo Isbitaalada. Waxay hawada sare ka soo weerartay dhamaan deegaanada Muslimiinta, Iyadoo dishay xitaa xoolihii Islamarkaana duqeysay goobihii waxbarashada taas oo keentay in ay burburto riyadii iyo rajadii ay qabeen jiilka soo koraya” ayaa lasii raaciyay bayaanka alshabaab kasoo baxay.

Warsaxafaadeedka qoraalka ah ee Shabaabul Mujaahidiin kasoo baxay ayaa lagu xaqiijiyay ee dadka muslimiinta ee bariga afrika u dhaqan ay gabood fallo dhan walba ah kala kulmayaan dowladaha soomaaliya kusoo duulay ee Kenya kamid tahay islamarkaana weeraradii Kenya ka dhacay oo uu ugu dambeeyay midkii Gaarisa ay yihiin kuwa dib loogusoo celinayo karaamada dadka muslimiinta islamarkaana marnaba aysan dulmi ku seexan doonin.

"Marka laga hadlayo Bariga Africa oo idil, Muslimiintu waxaaa laga xayuubiyey waxwaliba oo sharaf ah oo ay lahayeen, Waxaana lagula kacay falal wuxuushnimo kuwii ugu darnaa ka dib markii ay ka dhiidhiyeen in ay u hogaansamaan dulmiga iyo ihaanada Kufaarta, Iyadoo dabasocota handadaaddan iyo caga-jugleyntan baahday ee lagu hayo Islaamka iyo Muslimiinta, Waxaa Xarakat Al-Shabaabul Mujaahideen dusha saaratay masuuliyada inay u hiilinta walaalahooda Muslimiinta ah, ayna qaado silsilado weeraro ah oo loogu aargudayo kumanaanka Muslimiinta ah ee ku baxay gacanta Ciidamada Kenya” bayaanka Al Shabaab.

Xarakada Al Shabaab waxay xaqiijisay in ciidankii mujaahidiinta ee weerarka ka fuliyay Gaarisa ay aad ugu dadaalayeen ilaalinta dhiigga muslimiinta islamarkaana ay kala saaraan muslimiinta iyo dadka Nasaarada ah iyagoona laayay dadkii Kenyaatiga ee aan muslimiinta aheyn.

"Weeraradaas midkii u dambeeyey wuxuu ahaa howlgalkii ay Mujaahidiintu ku qaadeen Jaamacadda Garissa. Abaare saacadu markey ahayd sagaal saac oo habeenimo ayey Mujaahidiintu xoog ku galeen xarunta Jaamacadda, Iyagoona durbaba beegsaday goobihii ay daganaayeen Kufaarta, ka dibna hal meel isugu keenay dhamaan dadkii halkaas ku jiray. Weerarku wuxuu beegsanayey kaliya gaalada. Dhamaan wixii Muslimiin ahaa halkaas si nabadgalyo ah ayey kaga soo saareen Mujaahidiintu sababtoo ah dhiig Muslimku waa qaali halka dhiigga Kufaartana uusan wax bad-baado ah heleynin ilaa in Iimaan laga helo ama balanqaad Amaan la siiyo mooyee” ayaa bayaanka lasii raaciyay bayaanka.

Ugu dambeyntii bayaanka kasoo baxay Al Shabaab oo ku qornaa luqadda English-ka ayaa baaq loogu diray dowladda Kenya ee ciidamadeedu duullaanka gardarrada ah kusoo qaadeen Soomaaliya.

"Dowladda Kenya Iyaduna Waxaan Leenahay:Fariinteenu waa mid uu dhiig la socdo, mana ahan mid ereyo ku qoran, ee waxaan idiin kugu soo diri doonaa dhiiga dadkiina sidaas darteed wixii hadda ka dambeeya siiqota xabaalahooda oo diyaarsada karfantii aad ku dabooli lahaydeen”.

Halkan ka akhri Bayaanka oo English ah DOC

Related Items