Ciidamada Itoobiya oo Jaray Isgaarsiinta Magaalada Baydhaba iyo Shacabka oo Kadeed Dareemaya.

Sunday April 05, 2015 - 07:36:08 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Itoobiya oo Jaray Isgaarsiinta Magaalada Baydhaba iyo Shacabka oo Kadeed Dareemaya.

    Ciidamada Xabashida Itoobiya ee ku sugan magaalada Baydhabo ayaa wada dhaq dhaqaaqyo melleteri oo saameyn ku yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Xabashida Itoobiya ee ku sugan magaalada Baydhabo ayaa wada dhaq dhaqaaqyo melleteri oo saameyn ku yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada.

Wararka ka imaanaya gobolka Bay ayaa sheegaya in ciidanka Itoobiya ay hawada ka saareen isgaarsiinta magaalada wax kabadan 12 saacadood xariir ah.

Goob jooge Baydhabo ku sugan ayaa SomaliMeMo u sheegay in ciidamada Itoobiya ay gaadiid gaashaaman iyo saanado melleteri kala bexeen saldhigga weyn oo ay ka sameysteen garoonka diyaaradaha Baydhabo.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Xabashidu ay kala bedel ku sameynayaan ciidamadooda Baydhabo iyo Bardaale ku sugan.


Saraakiisha ciidanka Itoobiya oo ka baqaya in qaraxyo lala eegto ayaa isgaarsiinta Hawada ka saaray waxaana la sheegay in kolonyo gaadiid ah oo ciidamo kumanaan ah la socdaan ay ujiheysteen dhanka Bardaale.

Shacabka magaalada Baydhabo ayaa kadeed dhan walba ah kala kulmaya gumeystaha Itoobiya ee xoogga ku heysta magaaladooda.

Related Items