Weerar Askar Lagu Dilay oo Ka Dhacay Wadada Maka Al-Mukarama iyo Suuqa Xoolaha Magaalada Muqdisho.

Sunday June 29, 2014 - 13:03:46 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2911
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Weerar Askar Lagu Dilay oo Ka Dhacay Wadada Maka Al-Mukarama iyo Suuqa Xoolaha Magaalada Muqdisho.

    Xoogag hubeysan ayaa maanta duhurkii magaalada Muqdisho ku dilay askar katirsan dowlada Federaalka ee shisheeyaha la shaqeeysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogag hubeysan ayaa maanta duhurkii magaalada Muqdisho ku dilay askar katirsan dowlada Federaalka ee shisheeyaha la shaqeeysa.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in rag bastoolado ku hubeysan ay isgoyska Dabka ku toogteen laba askari oo katirsanaa melleteriga.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ragga weerarka geystay ay askarta ka qaateen laba qori AK47 ah oo ay wateen sida ay dadka deegaanku sheegeen ,tobaneeyo katirsan ciidanka dowladda ayaa wadada Makka Al Mukarama lagusoo daadiyay waxayna wadaan howlgallo baadi goob ah.

Dhinaca Kale mid kamida ciidamada booliska  DF-ka ayay xoogag hubeysan ku dileen xaafadda Suuqa Xoolaha degmada Huriwaa magaalada Muqdisho.


Weerarka maanta ka dhacay wadada Makka Al Mukarama ayaa fariin culus oo dhanka ammaanka ah diraya maadaama wadadan ay tahay midda kaliya oo ay isticmaalaan madaxda dowladda iyo saraakiisha shisheeyaha ee isaga kala goosha Villa Somalia ilaa iyo garoonka caalamiga Muqdisho.

Waa Weerarkii ugu horreeyay oo ka dhaca magaalada Muqdisho xilli bisha Ramadaan ay maanta bilaaw tahay,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jumcihii lasoo dhaafay sheegay in ay Muqdisho ka hirgeliyeen ciidan ammaan oo weerarada ka hortaga inta lagu-guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.


Ridwaan Yare

SomaliMeMo,Muqdisho

[email protected]

Related Items