4 Askari oo lagu Dilay Weeraro Boosaaso Ka Dhacay iyo Guddoomiyaha Degmada Carmo oo Dhaawac halis ah gaaray.

Monday April 06, 2015 - 10:50:43 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    4 Askari oo lagu Dilay Weeraro Boosaaso Ka Dhacay iyo Guddoomiyaha Degmada Carmo oo Dhaawac halis ah gaaray.

    Tafaasiil dheeri ah ayaa laga helay weeraro xalay ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari Waqooyi Bari Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tafaasiil dheeri ah ayaa laga helay weeraro xalay ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari Waqooyi Bari Soomaaliya.

Weerarada oo ahaa kuwa is xigxigay ayaa lala beegsaday goobo ammaankooda si aad ah loo adkeeyo,weerarka hore oo ka dhacay afaafka hore ee madaxtooyada Boosaso waxaa lagu dilay 2 askari oo ciidanka maamulka Puntland katirsanaa.

Weerar kale oo isna ka dhacay guri kuyaal xaafadda New Boosaaso ayaa dhaawac halis ah lagu gaarsiiyay guddoomiyaha degmada Carmo ugu magacaaban maamulka "Puntland”.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in uu dhaawac garaab ah noqday Max’med Shire guddoomiyaha degmada Carmo iyadoona 2 askari oo ilaala ahaa ay dhinteen.


Weerarada xalay gilgilay boosaaso ayaa saameeyay intabadan xaafadaha magaalada oo lagusoo daadiyay maleeshiyaadka PIS-ta loo yaqaan ee qaabilsan la dagaalanka waxa loogu yeero Argagaxisada.

Ciidamada mujaahidiinta Buuraha Goolis ayaa dhowr weeraro ku qaaday bartilmaameedyo gaar ah oo Boosaaso katirsan balse weerarkii xalay majirto cid mas’uuliyaddiisa sheegatay.

Related Items