Sidee Bay Mujaahidiintu U Kala Sooceen Muslimiinta & Masiixiyiinta Intii Lagu Gudajiray Weerarkii Garissa? (WARBIXIN)

Monday April 06, 2015 - 20:30:22 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 30
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Sidee Bay Mujaahidiintu U Kala Sooceen Muslimiinta & Masiixiyiinta Intii Lagu Gudajiray Weerarkii Garissa? (WARBIXIN)

    Shanqarta dadka iyo dhawaqa rasaasta ayaa hurdada ka soo baraarujisay dhamaan dadkii ku jiray gudahaxarunta Jaamacadda markii uu weerarku bilowday, Qof waliba wuxuu u cararayey halkii uu afkiisa qabtay, qaar baa qolal isku soo xiray, kuwa baa darbiya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shanqarta dadka iyo dhawaqa rasaasta ayaa hurdada ka soo baraarujisay dhamaan dadkii ku jiray gudahaxarunta Jaamacadda markii uu weerarku bilowday, Qof waliba wuxuu u cararayey halkii uu afkiisa qabtay, qaar baa qolal isku soo xiray, kuwa baa darbiyada ka soo booday, kuwana waxayba u soo carareen halkii ay xabadu ka socotay iyagoo aanan miir lahayn, Sidaas waxaa ku waramay goobjooge nasiib u yeeshay in uu ka soo baxsado weerarkii argagaxa ahaa ee Garissa.



Nin lagu magacaabo Watangula oo ka soo baxsaday weerarka ayaa sheegay in markii uu maqlay rasaasta ka soo dhaceysa Ganjeelka uu isku soo xiray qol yar isaga iyo ilaa 3 ruux oo kale, Wuxuuna sheegay in uu maqlayey hadaladii ay is-weedaarsanayeen halyeeyada weerarka fuliyey iyo dadkii maxaabiista ahaa ee ay gacanta ku hayeen.

Wuxuu yiri " Dhamaan wixii aan maqlayey waxay ahaayeen shanqarta socodka dagaalyahanada iyo dhawaqa rasaasta, Waxay sidoo kale oranayeen {sisi ni AlShabaab} oo micnaheedu tahay "waxaan nahay AlShabaab”.



Koox Kirishtan Ah

Goobjooge kale ayaa isna sheegay in si lama filaan ah uu kaga horyimid ragga weerarka soo qaaday balse uu ka soo baxsaday xilligii ay ka soo gudbayeen Ganteelka, Wuxuu sheegay in uu ku qalday ciidamada Police-ka balse uu arkay markii uu ku soo dhawaaday.

"Waxaan arkayey buu yiri iyagoo u sii gudbaya dhanka hoolka halkaas oo ay joogeen koox Kirishtan ah oo cibaadeysanayesay, halkaas ayeyna ku laayeen oo muddo ayaan maqlayey rasaas toogasho ah” ayuu yiri

Qaar ka mid ah dad goobjoogeyaasha ah ee ka soo badbaaday weerarka waxaa jirkooda ku tiilay rasaas ka dib markii la toogtay iyagoo ka soo boodaya daaqadaha iyo darbiyada. Qaarkood iyagoo uu ka muuqdo Argagax baahsan ayey la hadlayeen wariyeyaasha iyo xitaa TV-yada caalamka si ay u soo gudbiyaan khabarka sida weyn loo daneynayey ee ah waxa ka soconaya gudaha xarunta.

Arday dhaqaalaha ka barta Jaamacadda Moi University ee Garissa oo ka mid ahaa dadkii ku jiray gudaha, Islamarkaana soo dhaawacay ayaa isna yiri "Waan jiifnay, Waxaan ku soo baraarugnay un oo kaliya xabadaha ka soo dhacayey dhanka guryaha jiifka, Qaar badan ayaan ku soo baxsanay, kuwa badan oo saaxiibadeena ahna waa la heystaa weli, waxay ahayd meel argagax badan, rasaas noolnool ayey nala dhaceen, Meel waliba oo ka tirsan gudaha xarunta rasaastu wey ka socotaa”.

Badbaadinta Dhiigga Muslimiinta.

Arinta sida weyn loo hadal hayey ee gaaladu ay la fajaceen, munaafaqiintuna ka caroodeen waxay ahayd sida dhimrinta leh ee Mujaahidiinta ay u soo fasaxeen dadka Muslimiinta ee ku jiray xarunta. Howlgal lagu kala soocayo Muslimiinta iyo gaalada ayey muddo halkaas ka wadeen Mujaahidiinta ka hor inta aysan gumaadka geysan, ka dibna waxay soo fasaxeen dad badan oo Muslimiin ah.

Iyagoo ilaalinaya dhiigga Muslimka ee macsuumka ah, islamarkaana qaadanaya amarka Allah iyo rasuulkiisa ayey fuliyeen howshaas wanaagsan, waxayna walaaluhu si wanaagsan kaga taxadareen in gacantooda uu ku dhinto qof Muslim ah.

Dhamaan weeraradii Mujaahidiinta AlShabaab ay ka fuliyeen gudaha dalka Kenya, gaar ahaan weeraradii WestGate, Mpeketoni, Mandhera, Gambi iyo Lamu sidan oo kale ayey u kala sooceen Muslimiinta iyo Gaalada, Iyadoona arintaas ay isweydiin badan ka dhex abuurtay sufuufta cadowga.

Towxiidka

Dad badan oo Muslimiin ah, ayna Mujaahidiintu badbaadiyeen ayaa la hadlay Warbaahinta kuwaas oo sheegay in lagu soo dhaafay kaliya in ay Muslim yihiin Maadama iyaga iyo ragga weerarka fulinaya uu mideeyey Towxiidka, waa Towxiidkaas oo maanta ah ubucda uu ku taagan yahay siraaca noo dhexeeya Anaga iyo Gaalada, Islamarkaana ah midka aan dartiisa wax u colaadino, una soo dhaweysano.

Ninka la yiraahdo Wetangula oo ninka qolka isku soo xiray ayaa sheegay in uu maqlayey Ragga weerarka fuliyey oo mid mid u furaya qolalka, islamarkaana dadka weydiinaya in ay Muslimiin yihiin iyo in kale. "Hadii aad tahay qof gaal ah oo aadan Muslim ahayn waa lagaa takhalusayaa oo madaxa ayaa lagaa tooganayeen, Waxaana filayaa in mid kasta oo ka mid ah shanqartii rasaasta ee aan maqlayey ay geeri ku sii hogaamineysay qof kale, Anaga halkaas ayaan isaga jiray ilaa ciidanka uu iigu yimid goobtaas” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Weerarkii Ugu Xumaa

Xarakada Mujaahidiinta AlShabaab oo sheegatay Mas’uuliyadda weerarkan ayaa sheegtay in sababta Mujaahidiintu ay u kala sooceen Muslimiinta iyo gaalada ay tahay in kufaarta la tuso in dhiigga qofka Muslim ah uu yahay mid Qaali ah, uuna Allah xarimay in xaq darro lagu daadiyo taas badalkeedana uu dhiiga kaafirku yahay mid raqiis ah oo aanan Amaan iyo badbaado heleynin ilaa in Iimaan ay la yimaadaan ama Amaan la siinayo mooyee.

Weerarkan oo lagu dilay ku dhawaad 200 oo ruux ayaa lagu tilmaamay in uu ahaa weerarkii ugu xumaa ee ku habsada dowladda Kenya tan iyo markii uu dhacay weerarkii 1998-dii ee lagu qaaday safaaradii Mareykanka kaas oo dilay in ka badan 220 ruux, Wuxuuna noqonayaa weerarkii ugu dhimashada badnaa ee Mujaahidiinta Soomaaliya ay ka fuliyaan gudaha dalka Kenya tan iyo Markii ay bilaabeen weerarada tixanaha ah ee ka dhan ah saliibiyiinta Kenya.

Xigasho:Idaacadda Andalus

Related Items