Xarakada Daalibaan oo Markii ugu Horraysay Soo Bandhigtay Taariikhda Mulla Max'med Cumar.

Monday April 06, 2015 - 21:47:03 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 41
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Xarakada Daalibaan oo Markii ugu Horraysay Soo Bandhigtay Taariikhda Mulla Max'med Cumar.

    Markii ugu horraysay xarakada Islaamiga Daaliban Afghanistan ayaa baahisay amiirka Mujaahidiinta Mulla Max'med Cumar oo kamid ah hoggaamiyaasha islaamiga ah ee aan muuqaalkiisa iyo xog dheer aan laga heyn.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markii ugu horraysay xarakada Islaamiga Daaliban Afghanistan ayaa baahisay amiirka Mujaahidiinta Mulla Max'med Cumar oo kamid ah hoggaamiyaasha islaamiga ah ee aan muuqaalkiisa iyo xog dheer aan laga heyn.

War rasmi ah oo kasoo baxay xafiiska warfaafinta Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa lagu faah faahiyay taariikh nololeedka sheikh Mulla iyo sooyaalkiisa jihaadiga ah.

Hoggaamiyaha Daalibaan Magaciisa oo buuxa ayaa ah Mulla Max’med Cumar Mowlawi wuxuu ku dhashay magaalada Qandahaar sanaddii 1960-kii wuxuu duruusta diiniga ka bartay jaamacado kuyaal wadamada Afghanistan iyo Pakistan.

Wuxuu kasoo jeedaa jufada Toomzi ee qeybta ka ah beel weynta Bashtuunka oo kamid ah qabiillada ugu waaweyn wadanka Afghanisan,sheikh Mulla Cumar ayaa kaalin weyn ka qaatay dagaalkii midowgii suufiyeeti looga saaray wadanka Afghanistan.


Mulla Cumar ayaa ku guuleystay in 14 sanadood xariir ah oo Mareykanka iyo xulufadiisa ay duullaan ku joogeen Afghanistan uu muslimiintu si midnima leh ugu hoggaamiyo halganka islaamiga ah.

Sanaddii 1996 ayaa sheikh Mulla loo caleema saaray xilka amiirka xarakada islaamiga Daalibaan isagoona xilligaasi diiday in loogu yeero Amiirul Mu’miniin.

Mareykanka ayaa Mulla dul dhigay lacag dhan 10 Milyan oo dollar waana hoggaamiye taariikhda baal dahabi ah ka galay markii uu diiday in sheikh Osama Bin Laden uu ugacan geliyo Mareykanka taasi bedelkeedan wuxuu door biday in imaaradiisi islaamiga aheyd ku waayo badbaadinta dad muslimiin ah.

Related Items