Akhriso:Gabayga: DHAQAN IYO DHALIIL W/T Aadan Cige Cali

Tuesday April 07, 2015 - 06:29:55 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 30
  • 4 0
  • Share via Social Media

    Akhriso:Gabayga: DHAQAN IYO DHALIIL W/T Aadan Cige Cali

    Aadan Cige Cali oo kamid ah qorayaasha soomaaliyeed ayaa gabaygan ku cabiraya dhaqan xumada saameysay qaar katirsan bulshada soomaaliyeed kuwaasi oo ka leexday dhaqanka islaamka iyo midka suuban ee soomaalida.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aadan Cige Cali oo kamid ah qorayaasha soomaaliyeed ayaa gabaygan ku cabiraya dhaqan xumada saameysay qaar katirsan bulshada soomaaliyeed kuwaasi oo ka leexday dhaqanka islaamka iyo midka suuban ee soomaalida.

Qoraaga ayaa si gaar ah uga hadlaya qaab labiska ay sanadadii dambe lasoo bexeen dhalinyarada soomaalida ee ku saamoobay dhaqamada wadamada reer galbeedka.



GABAY: DHAQAN IYO DHALIIL.

Hadaad adigu dhuuhaysid oo dhiirran soconaysid
Dheg-xumo iyo ceeb iyo hadaad dhiiqo fadhanaysid

Dhabanka iyo magicii hadaad dhab u wareemaysid
Dhabarkoo la godo iyo hadaad xumo dhitaynaysid
Dhaxalkii Awoowiyo hadaad dhaqankii tuuraysid

Dhegoho la duro iyo hadaad suuniyaha dhuubtid
Ama aad silsilad aad u dheer sudhatid dhuuntaada
Ama aad dhantaashoo timaha dhoor hamba’ a reebtid
Sida dhiriqda xoolaha hadaad "Jell” ku dharanaysid
Dhagxan iyo hadaad sida qoryaha dhuubi faraqooda

Adigoo dhibaatiyo ka ladan dhaawac kugu yaalla
Dhutin heetis aad lugaha qaar dhiibin socodkaaga
Dhexda wuu ka siibtoo hu’gii dhaafyey lawyaha’e
Sida layli dheelliyey hadaad dhigi marriinkaaga
Dhallaanka iyo gaalliyo qofkii dhimir la’ moyaane
DHarku waa ma dhaafaan hadad dhega u weelayne!

Dhex-yartii haween iyo raggoo madal is dhaafaaya
Qof ba dhumucda iyo muuqa iyo dhaashigiyo shaalka
Waxa la isku dhaataa ba! waa dheeha kii kale’e
Dhudi iyo dhammaha wiil ba, waa guri dhisaalayne
Mid waliba wuxu dhawrayaa kii dhigiisa’ahe
Dhuux iyo labeen buu rabaa uu la dheelmado’e
Hadaad adigu dhiil qaawan tahay yaa ku dhugan doona?!

Dhibta aan ka sheekeeyey waa labada dhoomoode
Dhaddig iyo lab waa laga ambaday dhaqanki toosnaaye
Dhaliishooda dumarkana bal aan dhuda ka faaleeyo
Dheehada haween waa inay dhawrsi socotaaye
Dhii-dhiibsi iyo waa inay dhega-nuglaataaye
Dhool hooyadeed waa inay dhab ula joogtaaye
Marse hadday habeen dhixis taqaan dhimasho weyane!

Mar hadday dhaqaaqdoo in badan suuqa dhalan-dhoosho
Rugtii ay ku dhalatiyo nin ay dhaqato mooyaane
Gabadh niman la dhaantaynaysaa waa dhaliil culuse
Dhabadiyo wadada waa ku ceeb dherer u taagnow’e
Sida neef ka dhacay xerada oo cida kale u dhuuntay
Waa kuu dhug li’i inad saq-dhexe dhuuqdid shiishada’e

Aroortiina adigoo dhan-qalan amase dhiilaysan
DHacadiid u jiif uumiyuhu kaaga kala dhoofye
Dhanka midabka reer Aadan waa dhawr ba kala nooce
Kuwaa dhiina qaar baa sidii dhuxula Maygaaga’a
Maarriin dhalaalaa ku jira dhoosh-cad iyo boos’e


Haddii adiga muuq dhiig leh oo dhuuban lagu siiyey
Caanaha Dharkaynkiyo maxaad dhiiqo ugu hoolli?!!.
Maxad kiimika-da ugu dhaqdaa ama u dhaan-dhaami?!!
Dheehii wacnaa iyo adaa dhilay maqaarkiiye !!!..
Dhabankii hadaad Haaro iyo dhiig ka wada yeeshay
Ama aad Sankii labada dhinac bira ku dhaabaysid !
Kaba dhuuban oo fiiqan iyo timaha dhawr jaad’a
Sida dhoon-horaad boorsadaa dheegga ku sudhane!
Dheel-dheelli socod baa jidkii loogu dhaygagaye!
Waxa dhaqanki loo aasayaa saw dhib kale maaha?!!!!.

W/T: Abwan: Aadan Cige Cali
Facebook: Aadan C Cali
Email: [email protected]



Related Items