Railla Odinga "Waa in Ciidanka Kenya Si deg deg ah looga saaro Soomaaliya si Loo Baajiyo Weerarada Al Shabaab".

Tuesday April 07, 2015 - 08:49:48 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Railla Odinga "Waa in Ciidanka Kenya Si deg deg ah looga saaro Soomaaliya si Loo Baajiyo Weerarada Al Shabaab".

    Siyaasiyiinta wadanka Kenya ayaa markale xukuumadda Uhuru ugu baaqay in ay si degdeg ah ciidankeeda ugasoo qaaddo wadanka Soomaaliya oo ay duullaan ku qaadeen afar sanadood kadib.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasiyiinta wadanka Kenya ayaa markale xukuumadda Uhuru ugu baaqay in ay si degdeg ah ciidankeeda ugasoo qaaddo wadanka Soomaaliya oo ay duullaan ku qaadeen afar sanadood kadib.

R/wasaarihii hore ee dalka Kenya Railla Odinga ahna xubin katirsan guddiyada mucaaradka ayaa magaalada Mombaasa ee xeebta leh uga dhawaaqay in ammaanka Kenya lagu sugi karo oo kaliya bixitaanka ciidanka Kenya ee Soomaaliya.

"Xukuumadda Kenya waa in ay ciidanka si degdeg ah ugasoo saarto soomaaliya haddii aan sidaasi layeelin ammaanka wadanka ma sugnaan karo Al Shabaabna way sii wadi doonaan weerarada”ayuu yiri Odinga.


Ururka Midowga Afrika AU ayuu ku eedeeyay in Kenya ay geliyeen dagaal dhib badan oo gallaaftay nolosha boqolaal Kenyan ah islamarkaana dhulka geliyay dhaqaalihii wadanka.

"si loo yareeyo weerarada hubeysan ee gudaha dalka ka dhacay waa in xukuumaddu ciidanka Kenya kasoo qaado soomaaliya,waa caadi in qaran walba uu qaadan karo tallaab uu dadkiisa iyo dalkiisa ku badbaadsanayo”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Railla.

Qeybaha kala duwan ee bulshada Kenya ayaa Uhuru Kenyatta cadaadis xooggan ku saaraya in uu ciidankiisa kala baxo gobollada Gedo iyo Jubbada Hoose tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii Jaamacadda Gaarisa ee dhimashada badan dhaliyay.

Related Items