Guddoomiye Ku Xigeenka Gaalkacyo oo Ku Dhaawacmay Qaraxyo Lala Beegsaday in Askar Laga Dilay Maamulka Puntland.

Tuesday April 07, 2015 - 10:44:57 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Ku Xigeenka Gaalkacyo oo Ku Dhaawacmay Qaraxyo Lala Beegsaday in Askar Laga Dilay Maamulka Puntland.

    Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in qaraxyo xooggan ay ruxeen magaalada Gaalkacyo ee xarunta u ah Mudug.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in qaraxyo xooggan ay ruxeen magaalada Gaalkacyo ee xarunta u ah Mudug.

Goob joogayaal ayaa sheegay in laba qarax oo is xigxigay ay ka dhaceen waqooyiga magaalada oo uu gacanta ku hayo maamulka "Puntland” isku magacaabay.

Qaraxa 1-aad ayaa lala helay guddoomiye ku xigeenka magaalada Gaalkacyo Axmed Muuse Daba kariix isagoona dhaawac halis ah ku noqday qaraxa,daqiiqado kadib ayay ciidamo gurmad ah soo gaareen goobta qaraxu ka dhacay kadibna waxaa qabsaday qarax kale oo sababay dhimashada 7 askari oo ciidanka PIS-ta katirsan.

Isbitaalka weyn ee magaalada Gaalkacyo ayaa ladhigay dhaawacyo badan oo uu kamid yahay guddoomiyaha magaalada,xaaladda Gaalkacyo ayaa ah mid kacsan waxaana waddooyinka lagu arkayaa ciidamo hubeysan.

Related Items