Sawirro:Ciidamo Katirsan Shiicada iiraan oo Weerar Gaadma ah Lagu Dilay iyo Islaamiyiinta oo Sheegtay.

Tuesday April 07, 2015 - 19:31:54 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 45
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro:Ciidamo Katirsan Shiicada iiraan oo Weerar Gaadma ah Lagu Dilay iyo Islaamiyiinta oo Sheegtay.

    Wararka ka imaanaya gobolka bolijistaan qeybta iiraan maamusho ayaa sheegaya in weerar gaadma ah oo ay fuliyeen mujaahidiinta lagu dilay ku dhawaad 10 askari oo ciidanka xuduudda ilaaliya katirsan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka bolijistaan qeybta iiraan maamusho ayaa sheegaya in weerar gaadma ah oo ay fuliyeen mujaahidiinta lagu dilay ku dhawaad 10 askari oo ciidanka xuduudda ilaaliya katirsan.

Asfar Miishirkaari oo ah mas’uulka dhanka amniga ee gobolka bolijistaan qeybta iiraan heysato ayaa wakaaladda wararka iiraan u sheegay in xoogag aad uhubeysan ay weerareen ciidanka ayna dileen 8 askari "Kooxo argagaxisa ah oo hubeysan ayaa weeraray kolonyo katirsan ciidanka xuduudda ilaaliya kadibna dib ayay ugu carareen dhanka Pakistan”ayuu yiri sarkaalka shiicada iiraan u hadlay.

Mujaahidiinta Jundullaah ayaa bishii lasoo dhaafay sheegtay mas’uuliyadda weeraro dhowr ah oo lagu laayay ciidamo iiraan katirsan,xukuumadda dabadhilifka Pakistan ayaa iyana dhankeeda sheegaysa in xoogaga islaamiga ah ee iiraan weeraray aysan dalkeeda usoo gudbin.


Bayaan kasoo baxday Jamaacada Jeyshul cadli ayaa lagu sheegay in mujaahidiinta jamaacadaasi ay mas’uul ka ahaayeen weerarkii ugu dambeeyay ee lagu qaaday ciidamada shiicada iiraan iyagoona ku hanjabay in ay sii kordhin doonaan weerarada inta iiraan ay heysato dhulalka muslimiinta sunniga ah.

Khilaafka u dhaxeeya labada xukuumadooda ee islam-abaad iyo dahraan ayaa sare ukacay taasi ayaana keentay in Pakistan ay ciidamo udirto sacuudiga si ah uga qeyb qaataan dagaalka lagula jiro maleeshiyaadka shiicada xuuthiyiinta.




Related Items