Xoogaga Muqaawamada Yemen oo Dhabarka Ka Jebiyay Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta iyo Ansaaru Shareecah oo is fidiyay.

Tuesday April 07, 2015 - 20:08:00 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoogaga Muqaawamada Yemen oo Dhabarka Ka Jebiyay Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta iyo Ansaaru Shareecah oo is fidiyay.

    Wararka ka imaanaya wadanka Yemen ayaa sheegaya in dagaallo culus kadib ay xoogaga wax iska caabinta shacbiga ah ay qabsadeen deegaanno muhiim ah oo katirsan gobollada Koonfurta dhaca.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Yemen ayaa sheegaya in dagaallo culus kadib ay xoogaga wax iska caabinta shacbiga ah ay qabsadeen deegaanno muhiim ah oo katirsan gobollada Koonfurta dhaca.

Maleeshiyaadka shiicada Xuuthiyiinta ayaa laga qabsaday saldhigga melleteriga Alcanad ee gobolka Laxaj oo qiyaastii 60 KM ujirta magaalada Caden ee xeebta ku teedsan.

Wariyaal ayaa soo sheegay in guddiyada shacabka ee dhanka Cabdi Rabih ujanjeera ay ku guuleysteen in Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ay ka fogeeyaan caasimadda KMG ah ee Yemen.

Saldhigga Melleteriga Alcanad ayaa maalmihii lasoo dhaafay duqeymo ba’an kala kulmayay diyaaradaha dagaalka isbaheysiga Sacuudigu hoggaaminayo ee Yemen ku duullay.


Sidoo kale xoogaga wax iska caabinta Yemen ayaa qabsaday degmooyin katirsan gobolka Aldaalic ee istiratiijiga ah,dhinaca kale mujaahidiinta Ansaaru Shareecah iyo xoogaga qabaa’illada ayaa gacanta ku dhigay degmooyin dhaca gobollada Albeydaa iyo  Eb ee bartamaha wadanka Yemen.

Taageerayaasha Iiraan ayaa umuuqda kuwa luminaya dhul hor leh oo dhulka xikmadda iyo iimanka katirsan waxaana muuqata in mujaahidiinta oo ka faa’iideysanaya burburka dowladeed ee dalka ka taagan ay is fidinayaan.

Related Items