Saraakiil Katirsan DF-ka oo Muqdisho Lagu dilay iyo Al Shabaab oo Sheegatay.

Wednesday April 08, 2015 - 14:16:27 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Saraakiil Katirsan DF-ka oo Muqdisho Lagu dilay iyo Al Shabaab oo Sheegatay.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal qorshaysan oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degmooyinka gobolka Banaadir iyo degmada Afgooye ee Shabeelaha Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal qorshaysan oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degmooyinka gobolka Banaadir iyo degmada Afgooye ee Shabeelaha Hoose.



Rag hubeysan oo katirsan Al Shabaab ayaa xaafadda Billaaja carab ee degmada Shibis ku dilay haweenay madax ka aheyd mashruuca dariseynta loogu magac daray ee uu bilo ka hor ku dhawaaqay maamulka gobolka Banaadir.

Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Zeynab Culusoow lagu dilay degmada Shibis,weerar kale oo ka dhacay xaafadda Cali Kamiin ee degmada Wardhiigleey ayaa lagu dilay Nin magaciisa lagusoo gaabiyay Eng.Cabdullaahi oo katirsanaa maamulka Muungaab madaxda ka yahay.



Dhinaca kale weerar ka dhacay degmada Afgooye ayaa dhaawac halis ah lagu gaarsiiyay Sarkaal katirsanaa PS-ta DF-ka oo magaciisa lagusoo gaabiyay C/llaahi Muuse.

Idaacadda ku hadasha afka xarakada Al Shabaab ee Andalus ayaa baahisay war ay mujaahidiintu ku sheeganayaan mas’uuliyadda dilalka qorshaysan ee Muqdisho iyo Afgooye ka dhacay.

Related Items