Jeneraal Gabre iyo Xasan Sheekh oo Dhusumareeb uga Dhawaaqay in Shirka Maamul usameynta Gobollada dhexe loo wareejiyay Cadaado.

Wednesday April 08, 2015 - 19:59:40 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jeneraal Gabre iyo Xasan Sheekh oo Dhusumareeb uga Dhawaaqay in Shirka Maamul usameynta Gobollada dhexe loo wareejiyay Cadaado.

    Dowladda Itoobiya ayaa faragelin ku sameysay shirka loogu magac daray maamul usameynta gobollada dhexe oo bilihii lasoo dhaafay abaabulkiisu ka socday Dhuusamareeb.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Itoobiya ayaa faragelin ku sameysay shirka loogu magac daray maamul usameynta gobollada dhexe oo bilihii lasoo dhaafay abaabulkiisu ka socday Dhuusamareeb.

Khilaafaadyo u dhaxeeyay DF-ka iyo qaar katirsan qabiillada dego gobolka Galguduud ayaa sii xoogeystay kadib markii Xasan Gurguurte uu ergada shirka ka qeyb gelayso uu cadaadis ku saaray in hoggaamiyaha maamulka ay udoortaan Siyaasi Ururka Damuljadiid katirsan.

Ismariwaa ka taagnaa halka lagu qabanayo shirka ayaa wali taagan inkastoo Jeneraal Gabre taliyaha ciidanka Itoobiya ee Soomaaliya iyo Xasan Gurguurte ay Dhuusamareeb ka sheegeen in shirka Cadaado lagu qaban doono.


Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in ergada shirka magaalada Dhuusamareeb ay kasoo horjeedaan in dhanka Cadaado lagu qabto dhismaha maamulka.

Siyaasiyiin Xabashida Itoobiya taabacsan oo uu kamid yahay Axmed Cabdi Salaam ayaa ku guul darreystay qorshe ay ku doonayeen in Dhuusamreeb ay ka dhacdo doorashada madaxtinimada.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in laxaliyay khilaafkii u dhaxeeyay saraakiisha Jabuuti iyo Itoobiya oo salka ku hayay cidda sugaysa ammaanka madasha shirka.

Xasan Gurguurte ayaa Jabuutiyaanka ku qanciyay in sugidda ammaanka Cadaado loo daayo ciidamada gumeysiga Itoobiya ee ku sugan qeybo katirsan gobolka Galguduud.

Related Items