Khubarada Internetka Dowladda Islaamiga ah oo Weerartay Warbaahinta Faransiiska.

Thursday April 09, 2015 - 13:30:08 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 41
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khubarada Internetka Dowladda Islaamiga ah oo Weerartay Warbaahinta Faransiiska.

    Ciidanka Electronic-ga Dowladda Islaamiga ah ayaa weeraro hor leh ku qaaday dowladaha reer galbeedka ee hoggaaminaya dagaalka ka dhanka ah waxa Argagaxisa loogu yeero

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Electronic-ga Dowladda Islaamiga ah ayaa weeraro hor leh ku qaaday dowladaha reer galbeedka ee hoggaaminaya dagaalka ka dhanka ah waxa Argagaxisa loogu yeero

Shirkadda warbaahinta qaranka Faransiiska ayaa sheegtay in kooxo cilmiga Electronic-ga ku takhasusay ay xalay saqdii dhexe muddo saacada ah qabsadeen shabakadaha ugu muhiimsan ee telefeshinnada Faransiiska.

Madaxa warbaahinta Faransiiska ayaa AFP u xaqiijiyay in rag taabacsan IS ay u dhaceen website-yada Telefeshinada Faransiiska ayna ku qoreen hanjbaad ka dhan ah xukuumadda Faransiiska "Waxaad ku lug lahaateen dagaalka ka dhanka ah khilaafada Islaamka ogaada in Mujaahidiintu meel walba idinku beegsan doonaan”ayaa lagu yiri qoraalka ay kooxahaasi ku baahiyeen baraha internetka oo ay jabsadeen.


Agaasimaha Telefeshinka "PV5 Mounda” ayaa xaqiijiyay in shabakaddiisu ay muddo saacada ah gacanta ugu jirtay "Jihad Electronic” balse saacado kadib ayay caadi kusoo laabteen adeegyada warbaahinta Faransiiska.

Kooxaha islaamiga ayaa baaq ujeediyay saraakiisha melleteriga Faransiiska oo ay ku eedeeyeen in ay kujiraan dagaal ka dhan ah muslimiinta waxayna kula taliyeen in ay ka waantoobeen colaadinta ka dhanka ah mujaahidiinta "Eheladiina badbaadiya oo ka joogsada dabka uu idinku shidayo Franso Hollande”.

Xoogaga IS oo maamula dhul baaxad leh oo Ciraaq iyo Suuriya katirsan ayaa saameyn ku leh caalamka kadib markii ay dileen dad reer galbeed iyo shiico ah.

Related Items