Wariye Lagu Dhaawacay Muqdisho iyo AMISOM oo Qof Shacab ah Gaari Jiirsiisay.

Saturday April 11, 2015 - 06:47:17 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wariye Lagu Dhaawacay Muqdisho iyo AMISOM oo Qof Shacab ah Gaari Jiirsiisay.

    Xilli ammaanka magaalada Muqdisho uu faraha kasii baxayay bilihii lasoo dhaafay ayay dilalka qorshaysan ee ka dhanka ah saraakiisha dowladda Federaalka iyo kuwa la shaqeeya shisheeyaha halkooda kasii socdaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xilli ammaanka magaalada Muqdisho uu faraha kasii baxayay bilihii lasoo dhaafay ayay dilalka qorshaysan ee ka dhanka ah saraakiisha dowladda Federaalka iyo kuwa la shaqeeya shisheeyaha halkooda kasii socdaan.

Wararka ka imaanaya degmada Hodon ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in rag hubeysan ay weerar ku qaadeen Nin wariya ah oo la sheegay in uu la shaqeynayay Telefeshinka ku hadla afka dowladda Federaalka.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in rag bastoolado ku hubeysan ay xaafadda KPP ku toogteen nin magaciisa lagusoo gaabiyay Farxaan oo katirsanaa Filim qaadayaasha Telefeshinka DF-ka.

Dhinaca kale ciidamada shisheeyaha AMISOM ayaa qof rayid ah ku dhaawacay degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho,dadka deegaanka ayaa sheegay in mid kamida gaadiidka gaashaaman ee AMISOM uu si bareer ah ujiiray wiil dhalinyara ah iyadoona isbitaalka loola cararay.

Related Items