Maamulka Ximan iyo Xeeb "Itoobiya Gumeysi ayay la doonaysaa Dadka Degmada Cadaado" Dhageyso.

Saturday April 11, 2015 - 08:17:41 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Ximan iyo Xeeb "Itoobiya Gumeysi ayay la doonaysaa Dadka Degmada Cadaado" Dhageyso.

    Kumanaan katirsan ciidamada xabashida Itoobiya ee xoogga ku jooga deegaanno iyo degmooyin katirsan gobolka Galguduud ayaa gaaray duleedka degmada Cadaado halkaasi oo uu kajiro maamul dadka deegaanka sameysteen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kumanaan katirsan ciidamada xabashida Itoobiya ee xoogga ku jooga deegaanno iyo degmooyin katirsan gobolka Galguduud ayaa gaaray duleedka degmada Cadaado halkaasi oo uu kajiro maamul dadka deegaanka sameysteen.

Wararka ka imaanaya Cadaado ayaa xaqiijinaya in ciidamada gumeysiga Itoobiya ay amar kusiiyeen maamulka Ximan iyo Xeeb  magac baxay ogolaashiyaha shir maamul loogu dhisayo Mudug iyo Galguduud.

Max’med Daahir oo ah wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka maamulka Cadaado ayaa warbaahinta u sheegay in ciidanka Itoobiya ay qabsanayaan Cadaado iyagoo aan wax ogolaashiya ah ka heysan dadka deegaanka.

"Itoobiya waxay doonaysaa in gumeysi cusub ay geliso dadka maamulka ximan iyo Xeeb horay ayay ugumeysanayeen soomaaliya inteeda kale”ayuu yiri Maxamed Daahir.


Safiirka dowladda Itoobiya uqaabilsan arrimaha Soomaaliya iyo saraakiil ka socotay midowga Yurub ayaa gaaray Cadaado halkaasi oo ay kula kulmeen saraakiisha maamulka Ximan iyo Xeeb,safiirka Itoobiya ayaa si aan qarsoodi laheyn ugu sheegay maamulka in ay ogolaadaan qorshaha socda ee Itoobiya ku qabsanayso gobollada dhexe.

"Fududeeya arrimaha maamul usameynta gobollada dhexe”ayuu yiri safiirka Itoobiya.

odayaasha magaalada Cadaado ayaa iyana sheegay in ay diidanyihiin maamul ku sheegga Dhuusamareeb laga agaasimayo.

Haddii ciidamada Itoobiya sii joogaan ayaa lafilayaa in Cadaado ku biirto magaalooyinka ay ka socdaan dagaallada lagula jiro gumeystaha soomaaliya kusoo duulay.

Related Items