Ciidamo Katirsanaa Dowladda Federaalka oo Lagu Dilay Xaafadda Siinaay Ee Magaalada Muqdisho.

Saturday April 11, 2015 - 11:56:55 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Katirsanaa Dowladda Federaalka oo Lagu Dilay Xaafadda Siinaay Ee Magaalada Muqdisho.

    Wararka ka imaanaya degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xoogag hubeysan ay dileen laba askari oo katirsanaa ciidamada dowlada Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xoogag hubeysan ay dileen laba askari oo katirsanaa ciidamada dowlada Federaalka.

Goob joogayaal ayaa SomaliMeMo u sheegay in 2 askari oo katirsanaa dowladda hoose lagu toogtay agagaarka xarunta TB-da deegaanka Siinaay gaar ahaan halka ay iska galaan Yaaqshiid iyo Wardhiigleey.

Rag bastoolado ku hubeysan ayaa dilka geystay kadibna goobta ay si nabad gelya ah uga dhaqaaqeen,wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada ladilay oo qoryaha AK47 ku hubeysnaa aysan wax gurmad ah ka helin ciidamo kale oo isgoyska Siinaay ku sugnaa.

Dilalka iyo qaraxyada ka dhanka ah askart iyo saraakiisha DF-ka ayaa joogta ka ah degmooyinka gobolka Banaadir waxaana muuqata in sugidda ammaanka caasimadda uu faraha ka baxay.

Related Items