Qarax Khasaara Dhaliyay oo ka dhacay Degmada Kaaraan Ee Muqdisho..

Monday June 30, 2014 - 11:34:02 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax Khasaara Dhaliyay oo ka dhacay Degmada Kaaraan Ee Muqdisho..

    Maalintii labaad ayaa weeraro khasaara dhaliyay lala eegtay askar katirsan dowladda Federaalka ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawirka Qarax Horay uga dhacay Muqdisho
Maalintii labaad ayaa weeraro khasaara dhaliyay lala eegtay askar katirsan dowladda Federaalka ee magaalada Muqdisho.

Qarax maanta barqadii ka dhacay suuqa degmada Kaaraan ayaa lala eegtay goob canshuurta lagu aruuriyo oo taabacsan maamulka degmadaasi.

Goob joogayaal ayaa sheegay in hal qof oo kamid ah shaqaalaha Canshuur aruurinta uu ku dhaawacmay qaraxa oo sida muuqata ka dhashay walxaqa qarxa oo goobta lgusii diyaariyay.

Ciidamo boolis ah ayaa daqiiqado kadib markii uu qaraxu dhacay goobta soo gaaray iyagoona baaritaanno sameeyay,shalay ayay aheyd markii rag hubeysan ay wadada Makka Al Mukarama ku dileen 2 askari oo DF-ka katirsan saraakiil u hadashay xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa ku hanjabay in weerarada ka dhanka ah AMISOM iyo xulufadeeda ay kasii socan doonaan Muqdisho.



Liibaan Jeexow Cabdi

SomaliMeMo,Muqdisho

[email protected]

Related Items