C/Qaadir Siidii oo isku day dil ka Badbaaday iyo Ciidan Lagu Dilay Qoryooley.

Sunday April 12, 2015 - 08:59:43 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1926
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 45
  • 3 0
  • Share via Social Media

    C/Qaadir Siidii oo isku day dil ka Badbaaday iyo Ciidan Lagu Dilay Qoryooley.

    Wararka ka imaanaya gobolka shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in weerar khasaara badan dhaliyay lagu qaaday guri kuyaal degmada Qoryooley xilli uu ku sugnaa Mas'uul katirsan DF-ka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in weerar khasaara badan dhaliyay lagu qaaday guri kuyaal degmada Qoryooley xilli uu ku sugnaa Mas'uul katirsan DF-ka.

Ciidamada xarakada shabaabul Mujaahidiin ayaa xalay saqdii dhexe weerar gaadma ah ku qaaday hoyga C/qaadir Siidii ee degmada Qoryooleey.

Wariye ku sugan Shabeelaha Hoose ayaa soo sheegay in Siidii uu ka badbaaday isku day dil waxaana weerarka lagu dilay mid kamida ciidankii ilaalada u ahaa halka 8 kale ay dhaawacyo soo gaareen.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in C/qaadir Siidii uu magangelyo waydiistay ciidamada shisheeyaha AMISOM ee saldhigyada ku leh gudaha degmada Qoryooleey.

Ma ahan markii ugu horraysay oo uu isku day dil ka badbaado guddoomiyaha gobolka shabeelaha Hoose ee DF-ka iyo shisheeyaha soomaaliya kusoo duulay.

Related Items