Warbixin+Dhageysi:Sheekh Umal Oo Kasoo Hor Jeestay Weerarkii Gaarisa Dhanka Kalana Sheegay in ay Kala Fogyihiin Al Shabaab.

Sunday April 12, 2015 - 11:27:10 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 2 5
  • Share via Social Media

    Warbixin+Dhageysi:Sheekh Umal Oo Kasoo Hor Jeestay Weerarkii Gaarisa Dhanka Kalana Sheegay in ay Kala Fogyihiin Al Shabaab.

    Sheekh Maxamad Cabdi Umal oo kamid ah wadaadaha ganacsiga ku leh magaalada Nairobi islamarkaana ay dowaladda wadankaasi ka xannibtay dhaqaalihiisii ayaa caro kala dul dhacay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab isagoo dhaleeceeyay weerarkii Kenyatiga b

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekh Maxamad Cabdi Umal oo kamid ah wadaadaha ganacsiga ku leh magaalada Nairobi islamarkaana ay dowaladda wadankaasi ka xannibtay dhaqaalihiisii ayaa caro kala dul dhacay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab isagoo dhaleeceeyay weerarkii Kenyatiga badan lagu laayay ee ka dhacay Gaarisa.



Sh/Umal ayaa khudbad uu jeediyay waxaa uu ku sheegay in weerarkii Gaarisa aanu waxba u dhimin Kenya laakin uu wax u dhimay muslimiinta, wuxuu mujaahidiinta ku tilmaamay kuwa wax qarribaya.

Sidoo kale wuxuu ka xumaaday tallaabadii ay mujaahidiinta ku kala sooceen gaalada iyo muslimiinta mudadii ay hawl galka wadeen, isagoo sheegay in ficilkaasi uu cadaawad ka dhex abuurayo muslimiinta iyo gaalada.



Intaas waa hadalkiisa maanta.

Dhibka maanta uu ka cabanayo Sheekh Umal ee Kenyaatiga u geysteen waxaa hubaal ah inaanu sabab u ahayn weerarka mujaahidiinta laakin waxaa u sabab ah in gaalada la dhex degay oo lagu duruuf noqday.

Arrintan ah in gaalada la dhex dago muxuu shalay ka yiri Sheekh Umal, waxa uu si faah faahsan usoo gudbiyay aayad qur’aan ah oo uu Allaah ku mamnuucay dhex degga gaalada iyadoo sharraxaada Sheekh Umal ay kamid tahay in haddii la khilaafo hadalka Allaah uu dulli qabsanayo muslimiinta gaalada dhex deggan.

Sidoo kale arrinta uu Sheekh Umal ka yiri kala sooca gaalada iyo muslimiinta waxay abuureysaa cadaawad ayaa waxaa ka dhalaneysa su’aal ah. Marki hore ma waxaa muslimka iyo gaalada ka dhaxeeyay saabiib iyo walaaltinimo? Umalkii shalayayaa si faahfaahsan uga jawaabaya qodobkan iyo wax yaabo kale oo muhim ah.

Marka aad dhageysato warbixinta waxaad miizaami kartaa xaaladda uu maanta ku sugan yahay wadaadka marka shalay loo eego, waxaana waliba war bixinta ku jirta isagoo sheegaya in maslaxadaha khaaska uu jihaadka ka horeey  Haddana wuxuu ku xiiqaa maslaxad.

Halkan ka dhageyso Warbixinta MP3.

Xigasho:Idaacadda Alfurqaan 

Related Items