Duqeyn loo geystay Wasaaradda G/dhigga iyo Gaariga Xasan Sheekh oo Qarax lala Eegtay.

Sunday April 12, 2015 - 11:36:29 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duqeyn loo geystay Wasaaradda G/dhigga iyo Gaariga Xasan Sheekh oo Qarax lala Eegtay.

    Wararka ka imaanaya xarunta wasaaradda Gaashaandhigga magaalada Muqdisho ayaa xaqiijinaya in weerar madaafiic ah markale lagu qaaday xilli ay xaflad ku dhiganayeen mas'uuliyiinta ugu sarreysa dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya xarunta wasaaradda Gaashaandhigga magaalada Muqdisho ayaa xaqiijinaya in weerar madaafiic ah markale lagu qaaday xilli ay xaflad ku dhiganayeen mas'uuliyiinta ugu sarreysa dowladda Federaalka.

Wariye Liibaan Jeexoow ayaa soo sheegay in qarax xooggan lala eegtay gaari uu la socday Xasan Gurguurte Hoggaamiyaha Dowladda Federaalka xaafadda Cee-ltusbaxle dhabarka dambe ee G/dhigga daqiiqado kadibna duqeyn ayaa ku bilaabatay Wasaaradda G/dhigga oo ay ka socoto munaasabad lagu xusayo  55 guuradii kasoo wareegtay aas-aaska  ciidanka xoogga Soomaaliya.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada AMISOM ay Xasan Sheekh ula carareen dhanka dhismaha wasaaradda G/dhigga Markii qaraxu haleelay gaarigiisa kadibna madaafiic ayaa ku hoobatay dhismaha.


Weerarkan wuxuu imaanayaa xilli dhammaan waddooyinka magaalada Muqdisho ay u xiranyihiin ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka xalay ayay aheyd markii ciidamada shabaabul Mujaahidiin ay duqeeyeen xarunta wasaaradda difaaca oo ay ku suganyihiin wasiirro iyo saraakiil.

Related Items