Taliye Katirsanaa Ciidanka Maamulka "Somaliland" oo Ladilay iyo Gaari laqafaashay.

Monday April 13, 2015 - 10:14:31 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 40
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliye Katirsanaa Ciidanka Maamulka "Somaliland" oo Ladilay iyo Gaari laqafaashay.

    Wararka ka imaanaya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in ladilay sarkaal sare oo katirsanaa ciidanka melleteriga maamulka isku magacaabay Somaliland ee xaruntiisu tahay magaalada Hargeysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in ladilay sarkaal sare oo katirsanaa ciidanka melleteriga maamulka isku magacaabay Somaliland ee xaruntiisu tahay magaalada Hargeysa.

Taliyihii guutada 93-aad ee ciidanka Somaliland Col.Baashe Cabdi Cali ayuu askari katirsan ciidanka melleteriga ku toogtay deegaanka Ceelbuha,ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in dilka Baashe uu salka ku hayo khilaafaad udhaxeeyay saraakiisha iyo ciidanka gobolka Sanaag.

Dhinaca kale gaari ay laheyd wasaaradda maaliyadda maamulka Hargeysa ayay dablay hubeysan ka qafaasheen magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Wasiirka arrimaha gudaha "Somaliland” ayaa sheegay in ay tallaab ka qaadi doonaan kooxo uu qaswadayaal ku tilmaamay oo bilihii lasoo dhaafay dhaq dhaqaaqyo ka waday deegaanno gobolka Awdal katirsan.

Related Items