Ururka Ictisaam oo Dowladda Kenya Ugu Baaqay in ay Ladagaalanto Argagaxiso Soomaaliya Ku Sugan!.

Monday April 13, 2015 - 11:42:44 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ururka Ictisaam oo Dowladda Kenya Ugu Baaqay in ay Ladagaalanto Argagaxiso Soomaaliya Ku Sugan!.

    Hoggaamiyaha Ururka Al Ictisaam Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa ku dhawaaqay in dagaalka ka dhanka ah muslimiinta Soomaaliya uu yahay mid lagula jiro Argagaxiso caalami ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha Ururka Al Ictisaam Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa ku dhawaaqay in dagaalka ka dhanka ah muslimiinta Soomaaliya uu yahay mid lagula jiro Argagaxiso caalami ah.

Madaxa wadaada xumayaasha Soomaalida ayaa dowladda Kenya iyo DF-ka ee kajirta soomaaliya ugu baaqay in ay u midoobaan ladagaalanka xarakada Al Shabaab.

"dagaalka lagula jiro nimankan argagaxisada ah waa mid caalami ah waa in Kenya iyo Soomaaliya u midoobaan ladagaalankooda,waa urur halis ku ah shucuubta labada dal”ayuu yiri Bashiir Axmed Salaad.

Wax cusub ma ahan in Ictisaam ay dowladaha nasaarada Afrikaanta ah ku booriyaan ladagaalanka muslimiinta ku dhaqan Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya balse waxaa cusub musdalaxa ay hadda adeegsanayaan.


Ictisaam ayaa muslimiinta halganka kula jira soo duulayaasha ku tilmaami jiray Khawaarij,Takfiiriyiin,Nabad-diid dhammaan halku dhigyadaasi ayaa ka gadmi waayay shacabka Soomaalida waxayn ku qasbanaadeen in ay adeegsadaan Erayga Ashahaadda ladirirka ah ee reer galbeedku hal abuureen waa "Argagaxiso” ayuu yiri siyaasiga Xasan Nuur.

Marka si qota dheer loogu kuurgalo shaarica soomaaliya waxaa muuqata in haba yaraatee culimaa’usuuga aysan wax saameyn ah ku dhaxlahayn bulshada waxaana dhacay sharciyaddii ay heysteen.

"Sheekh Bashiir Axmed Salaad iyo wadaadada kale ee AMISOM iyo Dowladda Federaalka ugalay shacabka Soomaaliyeed diinka kama qaataan mana dhageystaan sababtoo ah waa qolyo dhinac ah oo mushaar ka qaata shisheeye kalkaalka”ayuu yiri Cabdi Cadde.

Wajiga madoow ee Wadaada Xumayaasha ayaa faydmay markii ciidanka gumeysiga Itoobiya ay qabsadeen intabadan gobollada dhaca Koonfurta iy bartamaha islamarkaana ay soo saareen fataawaad xaaraam ka dhigaya iska caabinta cadawga islamarkaana baadil ka sifaynaysa acmaasha mujaahidiinta.

W/D Saxafiga Liibaan Jeexoow

SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected],com

Related Items