Weeraro Khasaara Dhaliyay oo Lagu Qaaday Safaaradaha Kuuriyada Koonfureed iyo Al-Maqrib Ay Ku Leeyiihiin Wadanka Liibiya.

Monday April 13, 2015 - 11:23:22 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 45
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weeraro Khasaara Dhaliyay oo Lagu Qaaday Safaaradaha Kuuriyada Koonfureed iyo Al-Maqrib Ay Ku Leeyiihiin Wadanka Liibiya.

    Wararka ka imaanaya wadanka Liibiya ayaa sheegaya in weeraro khasaara dhaliyay lagu qaaday safaarado ajaanib ah oo kuyaal magaalada caasimadda ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Liibiya ayaa sheegaya in weeraro khasaara dhaliyay lagu qaaday safaarado ajaanib ah oo kuyaal magaalada caasimadda ah.

Xoogag taabacsan dowlada islaamiga ah ayaa weerar hubeysan ku qaaday safaaradda Koonfurta Kuuriya ee Daraabulis,ugu yaraan laba katirsan ilaalada safaaradda ayaa ladilay halka burbur xooggan uu gaaray dhisaha safaaradda.

Goob joogayaal ayaa sheegay in xoogaga weerarka geystay ay gubeen qeyb kamid ah dhismaha safaaradda iyagoo adeegsanaya bambaanooyin iyo gantaallada garbaha laga gemo ee RPG.

Dhinaca kale rasaas xooggan ayaa lagu furay xarunta safaaradda xukuumadda Al-maqrib ee magaalada Daraabulis,majirin wax dhimasho ah oo ka dhashay weerarka dambe ee lagu bartilmaameedsaday safaaradda Rabaad.


War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda islaamiga ah faraceeda Liibiya ayaa lagu xaqiijiyay in mujaahidiintu mas’uul ka ahaayeen weerarada dublumaasiyadeed ee magaalada Daraabulis ka dhacay.

Ammaanka Liibiya ayaa bilihii lasoo dhaafay ahaa mid sii xumaanayay waxaana sii xoogeystay weerarada ka dhanka ah xarumaha dublumaasiyadeed.

Related Items