Weerar Lagu Qaaday Saldhigyada Ciidanka Kenya Ee Deegaanka Taabto Jubbada Hoose.

Monday April 13, 2015 - 19:34:11 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Weerar Lagu Qaaday Saldhigyada Ciidanka Kenya Ee Deegaanka Taabto Jubbada Hoose.

    Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in dagaallo culus ay ka dhaceen saldhigga ciidamada gumeysiga Kenya ee deegaanka Taabto.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in dagaallo culus ay ka dhaceen saldhigga ciidamada gumeysiga Kenya ee deegaanka Taabto.



Caawa maqribkii ayay ciidamada shabaabul Mujaahidiin weeraro culus ku qaadeen deegaanka Taabto oo ay degganyihiin ciidamo Kenyaan ah,dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen daryanka rasaasta iyo madaafiic ay labada dhinac is weydaarsanayeen.

Wariye ku sugan Jubbada Hoose ayaa soo sheegay in gaadiid dagaal oo uu cadawgu lahaa lagu gubay dagaalka,wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidanka Kenya ay jareen isgaarsiinta deegaanka.


Tuulada Taabto ayaa hoos timaad degmada Dhoobleey waxaana sanadadii lasoo dhaafay ka dhacayay weeraro ay ciidamada shabaabul Mujaahidiin labartilmaameedsanayeen gumeystaha Kenya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items